Ukraine oo u Yeertay Ciidamadeeda Keydka ah

Ukraine oo u Yeertay Ciidamadeeda Keydka ah

daajis.com:-Ukraine ayaa u yeeratey ciidamdeeda Keydka ah si ay uga jawaabaan ansixinta Baarlamanka Ruushka ee aheyd in ciidamo ay usoo diraan gobolka Crimea.
 
Andriy Paruby, oo ah sarkaalka ugu sareeya ee dhanka amaanka ayaa sheegey shaley oo Axad aheyd  in ay ababaulkaas u sameynayaan  si loo xaqiijiyo amaanka iyo madaxbanaanida dhulka Ukraine.
 
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 90 daqiiqo telfoon kula sheekeystey sabtidii madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin si uu ugu sheeko waxa ay Aqalka Cad ugu ugu yeereen walaac qoda dheer oo ku aadan wax aka dhacaaya Ukraine.
 
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegey in uu madaxweyne Obama uu u sheegey madaxweynaha Ruushka in uu dalkiisu xad gudub muuqda ku hayo madaxbanaanida dalka Ukraine iyo sharciga caalmaiga ah.
 
Madaxweyne Obama ayaa sheegey in Mareykanka ay joojinayaan in ay ka qeybgalaan kulanka la diyaarinaayo ee wadamada G8 ee dhanka dhaqaalaha ku hormarey kaasoo ka dhici doona magaalda Sochi ee dalka Ruushka. dhamaadka sanadkan.
 
Wakaalada wararka ee ee Ruushaka yaaa shegtey in Putin uu u sheegey Obama in Ruushku ay xaq u leeyihiin in ay difaacaan qowmiyadaha Ruusha asal ahaan u dhashey eek u sugan Crimea ama bariga Ukraine.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada