Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba oo eedeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya

Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba oo eedeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya

daajis.com:-Maamulka kumeelgaarka Jubba oo eedeeyn dusha kaga tuuray Dowladda federaalka soomaaliya una sababeyaay in ay heeshisyadii ka baxday.

Maamulka kumeelgaarka ah ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islam( Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka baxday  heshiisyadii ay kol hore  dhinacyadu ku wada galeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta , Isgaarsiinta iyo Boostada maamulka kumeelgaarka Jubba  Ibraahim Xasan Cabdi mar uu la hadlayay  BBC-da qeybta afka Soomaliga ayaa sheegay in dowladda federalka Soomaaliya   ay ka baxday heshiisyadii ay wada saxiixdeen  oo ay ka mid tahay in maamulka kumeelgaarka Jubba la siiyo mashaariicda laga soo helo deeq bixiyayaasha  iyo in tababar loo siiyo ciidanka maamulka kumeelgaarka Jubba.  

Hadalka wasiirka waxuu ku soo aadayaa xili  maamulka kumeelgaarka Jubba uu ku gacan seeray  isbuucii hore in maamulka Dekadda iyo garoonka diyaaradaha  magaalada Kismayo si toos ah loogu wareejiyo  dowladda federaalka Soomaliya, iyagoo u sababeenayo taasi Heshiiskii hore sidii logu talo galay aan u fulin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada