Taliska AMISOM oo si kulul uga jawaabay in dowladda Uganda ay soo dirto ciidan gaar ah oo hoos taga UN-ka

Taliska AMISOM oo si kulul uga jawaabay in dowladda Uganda ay soo dirto ciidan gaar ah oo hoos taga UN-ka

daajis.com:-Taliska AMISOM ayaa si caro leh uga jawaabay tallaabada dowladda Uganda ay ugu soo direyso Soomaaliya ciidamo hoos taga UN-ka, kuwaasoo ilaalinaya Xarumaha Hey'adaha Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo ka hadlayay warka ka soo yeeray dowladda Uganda ayaa sheegay inuu yahay mid aanay la socon, isla markaana aanu AMISOM quseyn, isagoo xusay in arrintaas ay tahay mid u gaar ah dowladda Uganda iyo UN-ka sida uu yiri.

"Waa arrin aanay AMISOM quseyn, hadii Uganda soo direyso ciidan UN Guards Force waa mid aan la dhayalsan karin, waa jiray wada hadal ceynkaas ah, balse AMISOM hadii ay Nabadgelyo u joogto in ciidan ka gaar ah la soo diro waxay noqoneysa mid AMISOM laga aamin baxayo"ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay adkaan doonto sida ay ula shaqeeyaan ciidamada gaarka ah ee sugi doona ammaanka Hey'adaha Qaramada Midooey, waxaana uu xusay in arrintan hadii xaqiiqo noqoto ay tahay arrin weyn.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in Uganda ay soo direyso ciidamo gaar ah oo ilaalo u noqonaya Xarumaha Hey'adaha Qaramada Midoobey, kuwaasoo gaaraya ilaa 410 askari.

Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidankan gaarka ah ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka xarumaha hey'adaha Qaramada Midoobey iyo ilaalinta shixnadaha u soo degaya, inkastoo aanu carabaabin xilliga ay imaanayaan.

Ciidamadan ayaa loo yaqaanaa UN Guards Force oo hoos tagaya Qaramada Midoobey, astaantooda ayaa ah mida UN-ka oo aanay ku hoos shaqeyn doonin howl galka AMISOM, waaa tan keentay in durba Taliska AMISOm ee Midowga Afrika arrintan ka caroodo.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii bishii hore weerar is qarxin lagu qaaday gaadiid ay leeyihiin Hey'adaha Qaramada Midoobey ee ka howl gala Muqdisho, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sharciyada loo siinayo Qaramada Midoobey inay uga howl gasho Soomaaliya. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada