XASUUQ DHACEY LOOMA KALA HARIN:- Arsene Wenger oo kulankiisii 1000-aad nus darsan goolal ah kala kulmay Chelsea + Sawirro

XASUUQ DHACEY LOOMA KALA HARIN:- Arsene Wenger oo kulankiisii 1000-aad nus darsan goolal ah kala kulmay Chelsea + Sawirro

daajis.com:-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger oo maanta u dabaal dagayey kulankiisii 1000-aad ee uu leyliyo Gunners ayaa guuldarro lagu soo dhaweeyey markii nus darsan goolal ah 6-0 looga adkaaday ciyaar ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Ciyaarta ayaa kooxda martida ahayd ee Arsenal la boobsiiyey qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana Chelsea ay ku qaadatay inay hoggaanka ciyaarta qabato shan daqiiqo oo qura, waxaana shabaqa tagay weeraryahanka kooxdaasi Samuel Eto’o, kaddib caawin uu ka helay Andre Schürrle.

Labo daqiiqo kaddib ayey goolka labaad la timid Chelsea, waxaana u dhaliyey daqiiqadii 7-aad ee bilowgii ciyaarta, xiddigii caawiyey goolkii hore ee Andre Schürrle.

Ciyaarta oo socta daqiiqadii 10-aad ayaa waxaa ciyaarta ka baxay weeraryahanka kooxda Chelsea ahna dhaliyaha goolka hore Samuel Eto’o, kaddib dhaawac muruqa ka soo gaaray, waxaana lagu bedelay Fernando Torres.

Daqiiqadii 15-aad The Blues ayaa heshay goolka saddexaad oo ahaa rigoore kaddib markii kubbad uu soo tuuray Hazard oo goosha ku socotay uu gacan ku bixiyey xiddiga kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain.

Rigoore lagu abaalmariyey Chelsea waxaa gool u bedelay daqiiqadii 17-aad Hazard, balse waxaa la yaab lahayd in Chamberlain oo kubadda si cad caganta ugu bixiyey isagoo ku jira goolka uu ciyaarta sii watay laakiin garoonka laga saaray Kieran Gibbs markii kaarka cas loo taagay.

Chelsea oo galabta isaga socotay goolka Arsenal ayaa kan afaraad la timid daqiiqadii 42-aad inta aan la’aadin qeybta nasashada waxaana kubbad uu soo dhigay Fernando Torres gool u bedelay Oscar, ciyaarta ayaana lagu kala nastay Chelsea oo ku hoggaaminaysa 4-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa waxaa goolka shanaad mar kale u dhaliyey Chelsea da’yarkeeda Oscar daqiiqadii 66-aad, kaddib kubbad uu ka tuuray afka hore ee diillinta ganaaxa.

Goolka lixaad ee ugu dambeeyey waxaa ka dhaliyey Arsenal daqiiqadii 71-aad oo ciyaarta ku soo xiray Mohamed Salah oo bedelay ku soo galay ciyaarta laguna belay Oscar, kaddib karoos wacan oo uu ka helay Nemanja Matic, waana goolkiisii ugu horreeyey oo uu Salah u dhaliyo Chelsea.

Jose Mourinho oo marnaba guuldarro kala kulmin macallinka Arsenal Arsene Wenger toban jeer ay kulmeen iyagoo kala wata Arsenal iyo Chelsea ayaa galabta mar kale laga adkaaday Wenger oo u dabaal dagaya kulankiisii 1000-aad ee uu layliyo Gunners, taasoo noqoneysa in Jose aan laga adkaan 11-kulan oo ay kulmeen Wenger iyagoo kala hoggaaminaya Arsenal iyo Chelsea, waxaana lagu soo dhaweeyey nus darsan goolal ah.

Chelsea ayaa sidaas ku  dheereysatay dhibcaha ay ku heyso hoggaanka horyaalka England, waxa ayna leedahay 69-dhibcood, halka Liverpool oo ku jirta kaalinta labaad oo caawa ciyaareysa ay leedahay 62-dhibcood.

 Daawo Sawirrada:-



 RAYIGAAGA KADHIIBO:- 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada