Shaqo:- Madoonee in aad dowlada xil ka qabtid haday haa tahay ka soo bax sharuudahaan

Shaqo:- Madoonee in aad dowlada xil ka qabtid haday haa tahay ka soo bax sharuudahaan

daajis.com:-Waxaa maal mahaan soo baxaayo in qofka masuul ka noqonaayo dowlada Xasan Sheikh Maxmauud in uu ka soo baxaa sharuudahaan iyadoona dad badan oo aqoon leh ku wayeen shaqooyin sharuudaha laga doonaayo ay buuxin wayeen.


Sharuudaha laga doonaya qof in uu shaqo ka helo dowlada Xasan Sheikh ayaa ah kow in aad tahay Hiraab heysataa shahaado Simad ah kadibna jaamacadeed ay noqotaa mid ka soo baxday dalka Sudaan iyadoon laga dooneynin meel kale oo aad shahaado ka qadatid.

Laga bilaabo wasiirada intabadan waxay ka soo jedaan kuwa ka tirsan Damajadiid iyadoona dhalinta yar yar ee madaxda u ahayeena ay noqdaan kuw ardeydooda ah kana tirsan urur diimeydaas kana soo baxay macadkooda iyo Jamaacad ku taalo dalka Sudaan.

Iyadoo sidaa jirta ayaa hadana waxay sameyeen in maamulka gobolka Banaadir lagu saleyaa sharuudahaas iyadoo laga bilaabo gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa iyo Afayeenka gobka Banaadir kuli yihiin kuwa Damajadiid ah kana soo baxay Macadka Simad iyagoona ka dib dhanka jaamacadana uga soo baxay dalka sudaan.

Waxaa iyadana xiligaan socda in gudoomiyaasha degmada kuli lagu saleeyo sharuudahaas waxaana seefta koowaad ay qaaday gudoomiyahii degmada shibis iyadoona loo magacaabay wiil dhalinyaro ah oo ka soo baxay macadka Simad soona dhameeyey jamacad ku taalo dalk a Sudaan.


Waxy hada seefta sugeysaa gudoomiyaal badan oo ka tirsaneen ururu diimeydyadaasi ee damajadiid heysanina shahadooyinkaas waxaase la sugi doonaan xaalka kacdoonka damajadiid kula wareegaya talada dalka halka uu ku danbeen doono.

Xarakada Damajadid ayaa u qaab eg dowladii Kacaanka ee 21sano dalka xukumeysay iyadoona kacaankii laga dhaxlay bur bur iyo dhac.


Mahad cali waasuge Muqdisho Soomaliya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada