Madaxweyne Xasan Shiikh oo furay kalfadhigii 4aad ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Shiikh oo furay kalfadhigii 4aad ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya "SAWIRRO"

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka, isla markaana ka jeediyey Khudbad taariikhi ah oo uu ku yiri xildhibaanada sharafta leh in loo baahan yahay in caqabadaha jira aan si midnimo iyo wadajir leh uga gudubno.

Madaxweynaha ayaa ku yiri xildhibaanada “Waxaan idinkugu hambalyeynayaa in maanta uu Kalfadhigii 4aad idiin furmayo.

“Waxaa la joogaa Waqtigii waxbaadka. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla dib-u-eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo bilaabidda nidaamka Dimoqraadiyadda, si aan u gaarno ujeedadeena ah inaan hirgelino doorasho ka dhacda dalka 2016.

Madaxweynaha ayaa xildhibaana siiyey warbixin la xiriirta howlgalada ciidamada oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo la baacsaday, laakin weli keeni kara khatar nooga baahan inaan dalka ka sifeyno.

“Maalin walba waxaan ka saarnaa kooxaha nabad-diidka ah goobo muhiim ah oo shacabku ay heleen neecaw nabadeed. Waxaana bilownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gargaar lala gaaro shacabka deegaanada la xorreeyo,B maamulo KMG ah loo sameeyo, hirgelinta hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul wanaag iyo adeegyada bulshada si shacabku ay aayahooda uga tashadaan.”

“Dib-u-habeynta maamulka iyo maareynta maaliyadda ayaa si habsami leh u socda. Hanti Dhowrka Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud ayaan magacownay oo ku yimid nidaam cad-cad oo tar-tan furan ah oo ay World Bank gacan naga siisay. Golaha Wasiiradu waxey dhowaan ansixiyeen sharicigii tariifada canshuuraha oo baarlamaanka loo soo gudbiyey kaasoo wax weyn ka tari doona kobcinta dhaqaalaha dalka, si aan uga maarano kaalmada shisheeyo oo aan isugu tashano dhaqaale ahaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan howlaha muhiimka noo wada ah.


“Caqabado fara badan baa jira oo wadashaqeynta hay’adaha dastuuriga looga baahan yahay wadashaqeyn buuxda oo loo baahan yahay dulqaad, is-faham iyo tanaasul ay lama huraan u tahay siyaasada dalka. Waxaana idinka codsanayaa in dhammaanteen laga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda qaranka.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’antahay in lalayimaado waxqabad, isla xisaabtan iyo horumar ballaaran, si aan u hirgelino qorshaha dowladda oo ah in doorashooyin la qabto sanadka 2016.”




 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada