Aqriso:- Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawo Kooxaha Liverpool Iyo Chelsea.

Aqriso:- Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawo Kooxaha Liverpool Iyo Chelsea.

daajis.com:-Kulanka ay Chelsea maanta u safreyso Anfield waa kulanka ugu adag isbuucaan horyaalka Premier League iyadoo loo sii dhawaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Jose Mourinho ayaana lagu waramayaa inuu wax weyn ka bedeli doono line-upkiisa isagoo maanka ku haya lugta labaad ee semi-finalka Champions League oo ay isbuuca danbe la ciyaarayaan Atletico Madrid.
Ciyaartoy walba oo uu Mourinho la soo shirtago waxaa jiri doonta meelo muhim ah oo ay ciyaartoyda isaga afkaan doonaan, taasoo qeyb libaax leh ka qaadan doonta cida seddexda dhibcood la baxeysa.
daajis.com waxa ay eegeysaa shan meelood oo ay ku kala badin karaan labada kooxood.
Simon Mignolet v Mark Schwarzer
Dagaalka u dhaxeeya labada goolhaye waxa uu noqon doonaa mid muhim ah iyadoo goolhayaha reer Belgium uu ka faa’ido badan yahay dhigiisa madaama uu xilli ciyaareedkan wax badan ciyaaray.
Si kastaba, Schwarzer ayaa ahaa mid cajiib ah markii loo soo yeeray haroontii isbuucaan isagoo bedelay Petr Cech kulankii Champions League. Cadaadiska iyo jawiga Anfield saameyn kuma yeelan doonto marka loo fiiriyo qibradiisa.
Jon Flanagan v Andre Schurrle
Kubadsameeyaha Chelsea ayaa la filayaa inuu ku bilowdo dhanka midig ee khadka dhexe, taasoo la micno ah inuu ka horimaan doono Flanagan oo ay u badan tahay inuu daafac bidix ku soo bilaaban doono.
Qaar badan oo ciyaartoy qibrad leh islamarkaana tayo sarre leh ayaa isku dayay inay ka guuleystaan da’ yarkaan Liverpool xilli ciyaareedkan waana ay ku hungoobeen. Waxaana xiiso leh in la arko haddii Schurrle uu si toos ah u qaabili doono ama haddii uu isku dayi doono inuu booskiisa ka soo bixiyo.
Martin Skrtel v Demba Ba
Bilow dhif iyo naadir u ah Demba Ba waxa ay la micno tahay inuu wajahayo tijaabo adag isagoo ka horimaanaya mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu adag Premier League.
Skrtel waxa uu u shaqeeyaa si adag si uu uga sarre maro weeraryahanada uu wajaho, mana siin doono wax fursad ah Demba Ba haddii uu weeraryahanka Chelsea isku dayo inuu gadaashiisa maro ama uu kula xafiiltamo kubadaha madaxa ah.
Steven Gerrard v Nemanja Matic
Matic ayaa kulankaan ciyaari doona sababtoo ah uma ciyaari karo Chelsea Champions League xilli ciyaareedkan, sidaasi darteed shaqadiisa waa inuu celiyo kabtanka Liverpool.
Xiddiga Chelsea ayaana awooda inuu ku adkeeyo Gerrard oo uu saameyn ku yeelanin ciyaarta. Si kastaba, Matic ayaa u muuqda mid inta badan weerarka saacida marka loo fiiryo howsha caawa loo xilsaarayo ee ah inuu celiyo weerarka Liverpool.

Luis Suarez v David Luiz
Filo inaad aragto Suarez oo farsamadiisii ugu danbeysay la soo baxa.
Iyadoo John Terry uu dhaawac yahay Mourinho ayaa laga yaabaa inuu daafaca dhexe ku soo bilaabo Luiz taasoo la micno ah in Suarez uu raadsan doono dhankiisa si uu uga faa’ideysto carada daafaca reer Brazil islamarkaana ku qasbo inuu qaladaad sameeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada