Askarta Britain ee burcad badeeda Soomaalida la dagaalantay oo loo diidey in ay xirtaan billadihii ay heleen

Askarta Britain ee burcad badeeda Soomaalida la dagaalantay oo loo diidey in ay xirtaan billadihii ay heleen

daajis.com:-Askarta dalka Britain ee qeybta ka ahaa barnaamijka la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa loo diidey in ay xirtaan bilado ay ku heleen hawlgalkii la dagaalanka burcad badeedda.

Gaashaanbuurta NATO ayaa biladahani siisey askarta Britain oo dhan 250 askari oo muddo sanooyin ah ka hawlgalayay xeebaha Soomaaliya iyagoo qeyb ka ahaa horin maraakiib ah oo xeebaha roondeeynayay.


Balse taliyeyaasha ciidamadda Britain ayaa u sheegey askarta in aysan xiran karin biladaha, sababta waxaa lagu sheegey in qaabka ay ku heleen aysan waafaqsanayn sifada lagu helo ee geesinimadda iyo heerka halista uu wajahayo askariga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada