Top News:- Soomaaliya oo ka aargudanaysa Kenya

Top News:- Soomaaliya oo ka aargudanaysa Kenya

daajis.com:-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqaya talaabo uu dalka Kenya ku tusayo in Soomaaliya ay ugu yaraan waxyeeleyn karto dalka Kenya taasi oo lagaga aargudsanayo talaabooyinka Kenya ay ku tarxiileyso Soomaalida, islamarkaasina dadka lagu dhibaateynayo.

Baarlamaanka oo aaminsan “Ninkii xoogga kugu dhufta, xusulka ayaa lagu dhuftaa” ayaa waxa uu ka doodi doonaa mooshin koox xildhibaano ah ay hor keeneen, kaasi oo ku saabsan in la mabnuuco qaadka ka imanaya dalka Kenya.
Qaadka ayaa waxa ay Kenya ka heshaa malaayiin doolar oo canshuur ah iyo dakhli kale ah, haddii Soomaaliya talaabadan ku dhaqaaqdana waxa ay ka dhigantahay dhibaato weyn oo dhaqaale oo saameyn doonta dalka Kenya.

Maanta guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa si carro leh oga jawaabay talaabo ciidamada Kenya ay ku xireen qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya iyo waliba mas’uuliyiin kale, wuxuuna ku tilmaamay xushmad darro weyn oo loo geystey qaranka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada