Wasiirka Amniga Qaranka oo hor-tagay Baarlamaanka, su'aalo adagna laga weydiiyay amniga dalka

Wasiirka Amniga Qaranka oo hor-tagay Baarlamaanka, su'aalo adagna laga weydiiyay amniga dalka

daajis.com:-Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay su'aalo adag oo ku saabsan xaalada amniga ee dalka wax ka weydiiyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo kulanka furay ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada inuu joogo Wasiirka, isla markaana Xildhibaanada is qoraan, si ay su'aalo u weydiiyaan, waxaana ka hor inta aysan bilaaban su'aal weydiinta uu dalbaday Wasiirka in Wariyeyaasha dibada looga saaro fadhiga Baarlamaanka.

Intaas kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka weydiiyay Xildhibaanada inay ogol yihiin, hase ahaatee ay diideen Xildhibaanada, iyagoo sheegay inay Wariyeyaasha laga maarmaan tahay in fadhiga ay xaadir ku ahaadaan, waxaana kadib cod gacan taag loo qaaday in Wariyeyaasha ay fadhiga joogaan iyo in dibada loo saaro, waxaa ilaa 180 xildhibaan ay cod u qaadeen in Wariyeyaasha fadhiga ay joogaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wax ka weydiiyay Wasiirka arrimo badan, sida weerarkii Xarunta Madaxtooyada ku qaadeen Al-Shabaab 21-kii bishii Febraayo, dilalka Xildhibaanada, odayaal dhaqameedyo iyo arrimo kale oo quseeya xaalada amniga dalka.

Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Guuleed oo ka jawaabaya su'aasha aheyd weerarkii Madaxtooyada ayuu ku gaabsaday in baaritaanada weerarkaas ay wali socdaan, isla markaana la shaacin doono marka uu soo gaba gaboobo.

Mr Guuleed ayaa sheegay in hey'adaha ammaanka dowladda ay saddexdii bil ee u dambeysay fashiliyeen waxyaabo lid ku ahaa ammaanka qaranka, waxaana uu xusay in sagaashan cisho gudahood ay xogta iyo xooraan raadinta hey'adaha amniga ay ku soo dhacday xafiiskooda ilaa 8669 xog oo kuligood lid ku ah amniga qaranla.

"Xogahaas badankood waxaa laga howl galay, wax badan waa la fashiliyay, laakiin qaarkood ayaa baaritaankeeda socda, waxaan xogaha qaar la wadaagnay ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM"ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ammaanka dalka wax ka qabashadeeda ay u baahan tahay arrimo fara bada, sida sharciyo adag, go'aano qaraar, in aan beer jileec laga gelin waxyaabaha qaar, waxaana uu weydiistay Baarlamaanka inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka Argagixisada oo dhowaan la horkeenayo.

"Ammaanka dalka waxay u baahan tahay wax aad u tiro badan, go'aano adag, go'aano qaraar, sharciyo, in aan beer jileec laga gelin waxyaabaha qaar, in sharciga la dagaalanka argagixisada oo dhowaan la idin horkeenayo aad ansixisaan, sharcigaas wuxuu hey'adaha amniga siinayaa awood dheeri ah"ayuu yiri Wasiir C/kariin Xuseen Guuleed.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in la sii ambaqaado dooda iyo su'aalo weydiinta Wasiirka Amniga, waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay inay dhiman yihiin ilaa 29-Xildhibaan oo isu qoray inay su'aalo weydiiyaan.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa in berri uu hortago baarlamaanka, si su'aalo looga weydiiyo arrimaha maamul dhisida, federaalka iyo arrimo kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xooga saaraya la xisaabtanka Xukuumada, iyadoo Wasiirada looga yeerayo Xarunta Golaha shacabka, si su'aalo looga weydiiyo howlaheeda, waxaana arrintan ay noqoneysa mid Wasiir walba lagula xisaabtamayo howlaha loo igmaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada