Chelsea Oo Dib U Soo Nooleysay Rajadeeda Horyaalka Ka Dib Guul Ciriiri Ah Oo Ay Ka Gaareen Liverpool.

Chelsea Oo Dib U Soo Nooleysay Rajadeeda Horyaalka Ka Dib Guul Ciriiri Ah Oo Ay Ka Gaareen Liverpool.

daajis.com:-Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee sannadkan 2014 ka badiso Liverpool horyaalka Premier League, waxaana ay dib u soo cusboonayeen tartanka horyaalka ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Reds oo marti loogu ahaa Anfield.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa kursiga keydka ku soo bilaabay Daniel Sturridge kaasoo dhaawac ku maqnaa islamarkaana aan wax tababar ah la qaadanin kooxda, halka tababare Mourinho uu isbedel weyn ku sameeyay line-upkiisa isagoo maanka ku haya kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay isbuucan la ciyaarayaan Atletico Madrid.
Taatikada uu tababaraha Chelsea ku soo galay ayaana aheyd kubad daafac ah iyo inay ka careysiiyaan ciyaartoyda Liverpool taasoo uu tababare Mourinho ku guuleystay.
Kubadheysashada qeybta hore ayaa aheyd mid ay Liverpool iska heysatay ciyaarta ilaa iyo daqiiqadii 3aad ee seddex daqiiqo oo lagu daray qeybta hore ee ciyaarta markii kubad uu Sakho u baasay Gerrard uu dhiibtay kabtanka Liverpool kaasoo ku kufay qeybta garoonka ee kooxdiisa, waxaa kubada ka qaatay Demba Ba kaasoo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Mignolet.
Waxaana lagu nastay qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo hogaanka ay ku heysay kooxda Chelsea oo marti ku aheyd Anfield.
Tababare Mourinho ayaana qeybtii labaad sii watay qorshihiisa ahaa inay ciyaartoydiisa daafac adag ka xirtaan weerarka Liverpool iyagoo u diiday inay boos ka helaan xerada goolka Chelsea.
Halka goolhaye Schwazer uu ku guuleystay inuu iska caabiyo darbooyinka ay soo tuurayeen ciyaartoyda Liverpool gaar ahaan Steven Gerrard.

Ciyaartoyda Liverpool ayaana u muuqday sida rag doonaya inay qaandooyin iyo farkeeto ku jabiyaan darbi weyn, iyagoo sii waday weerarkooda halka ciyaartoyda Chelsea ay ahaayeen kuwa daafacooda sii adkeynayay.
Daqiiqadii 3aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayayna Chelsea heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii ay ka faa’ideysteen kubad ay Liverpool ku soo dhumisay qeybta garoonka Chelsea waxaa soo qaatay Torres kaasoo kubad si deeqsinimo ugu dhigay Willian oo isna socod ku galay goolka.
Chelsea ayaana ciyaarta ku badisay 2-0 iyagoo dib u soo nooleeyay rajadooda horyaalka Premier League, waxaana ay haatan labo dhibcood ka hooseeyaan Liverpool iyadoo horyaalka uu labo kulan ka harsan yahay.
Sidoo kale natiijadan waxa ay dani ugu jirtaa Manchester City kuwaasoo lix dhibcood ka danbeeya Liverpool balse labo kulan ay u harsan tahay islamarkaana kulan ka mid ah ay haatan la ciyaarayaan Crystal Palace.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada