Ayaan Daranaa:- Jaamacad shahaado sharaf kala noqotey Ayaan Xirsi

Ayaan Daranaa:- Jaamacad shahaado sharaf kala noqotey Ayaan Xirsi

daajis.com:-Jaamacadda Brandeis ee dalka Maraykanka ayaa liiska ka saartay Ayaan Xirsi Cali oo iyadu diinta islaamka ka baxday, kadib markii gabar muslimad ah ay cabasho ka keentey in Ayaan la siiyo shahaado sharaf.

Jaamacadda oo maalgalin ka hesha Yuhuudda ayaa abaalmarin u qoondeysey 5 qof oo ay Ayaan Xirsi ka mid tahay, balse gabar lagu magacaabo Sahra Fahmy oo jaamacadda dhigata ayaa qoraal cabasho ah ku faafisey internet-ka, waxaana markiiba taageerey illaa 6 boqol oo qof.

Waxay gabadha ku doodey in Ayaan buugaagtii ay qortey iyo aflaantii ay jishey iyo waliba hadaladii ay jeedisey dhamaantood ay yihiin kuwa Islaam Naceyb ku salaysan, taasina aysan ka mid ahayn dhaqanka iyo hidah jaamacadda oo dhamaan diimaha isku mid loo tixgaliyo.

Ayaan oo ah gabar Soomaali ah oo mar xubin ka noqotey baarlamaanka Yurub ayaa diinta Islaamka ka baxday, waxayna sheegtey in diinta Islaamka ay tahay diin cadaadisa dumarka, iyadoo xitaa af lagaadeysey Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaatee, iyadoo ku eedeysey guurkii Caasho Calayhi salaam.

War saxaafadeed ay soo saartay jaamacadda Brandeis ayaa lagu sheegey in ay aad oga qoomameeyeen go’aanka ay shahaadada ku siin lahaayeen, islamarkaasina aysan iyagu horey u ogeyn hadalada diiwaanka u galay Ayaan ee ay Nabu Muxamed ka sheegtey nababgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Sidoo kale golaha xiriirka islaamka ee Amerika ayaa warqad u qorey madaxa jaamacadda Frederick Lawrence waxayna qoraalka ku sheegeen in xuquuqaha hadalka iyo rayidka ee Amerika aysan ka mid ahayn in diimaha la caayo, shahaadada la siinayo ayaana ay tahay mid meel ka dhac ku ah hidaha Maraykanka ee sinaanta iyo is xaqdhowrka.

Nihaad Cawad oo madax ka ah golahani ayaa sheegey in shahaado la siiyo qof diinta islaamka aflagaadeeyey ay ka dhigantahay in shahaado la siiyo qof ka mid ah caddaanka xagjirka ah ama waxa loo yaqaano fashiistenimada.

Jaamacadani waxa ay ku taalaa magaalada Waltham, gobolka Massachusetts, 9 miles (14 km) galbeedka ka xigtaa magaalada Boston, waxay ku jirtaa kaalinta 51 aad ee jaamacadaha Maraykanka, waxaana loogu magacdaray Louis Brandeis oo noolaa intii u dhaxaysay 1856 illaa 1941, kaasi oo ahaa nin Yuhuudi ah kii ugu horeeyey oo xaakim ka noqda maxkamadda sare ee Maraykanka.

Shahaadooyinka ceynkani ah ayaa waxaa lagu tixgaliyaa dadka bulshooyinka sumcadda ku dhex leh ee iyagu sameeyey waxyaabo anfac u leh bini’aadanimadda ama hormarka adduunka. Nelson Mandela oo la dagaalamay midabtakoorkii Koonfur Afrika wuxuu qaatay 240 shahaado sharaf adduunka daafihiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada