Daawo Sawirada:- Soomaali laga soo tarxiilay Kenya oo Muqdisho laga soo dajiyay

Daawo Sawirada:- Soomaali laga soo tarxiilay Kenya oo Muqdisho laga soo dajiyay

daajis.com:-Ku dhawaad boqol muwaadiniin soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Kenya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada.

Muqdisho.Warsaxaafadeed:
Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed waxaan ku soo dhaweynayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa waxa ay ku dadaaeleysaa In ay u fududeyso Muwaadiniinta ku soo noqday waddanka wixii Tasjiilaad ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda.

“Waxa ay dowladdu u xil saartay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Safiirka Kenya la tacaalida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya”.

Ra’iisul Wasaare Cabdi weli waxa uu xiriir Joogta ah la sameeyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kenya si xal waara loogu helo arrimaha Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Dowladdu waxa ay ugu baaqeysaa Hay’adaha Caalamiga ah ee gar gaarka iyo kuwa Xuquuqul Insaanka dhowra in ay gacan kaalmo leh siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo waddanka Soomaaliya iyagoo la kaashanaya hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada