Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo howl galo ka sameeyay maanta Muqdisho

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo howl galo ka sameeyay maanta Muqdisho

daajis.com:-Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia iyo AMISOM ayaa saakay waxa ay howlgalo kula jarmaadeen degmooyin dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxa ay howlgaladaan si toos  uga bilaabeen degmooyinka kala ah Heliwaa ,Yaaqshiid iyo Kaaraan iyadoo howlgalkaan lagu baarayo guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Howlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid lagu bartilmaameedsanaayo kooxaha amanidarada ka wada magaalada Muqdisho iyo hbka sharci darada ah ay wataan.
Dadka degan xaafadaha Heliwaa iyo Yaaqshiid ayay caado u noqotay in baaritaanadaan si joogto ah looga sameeyo degmooyinkooda iyadoo dad badan ay hakad ka gasho in ay shaqadooda aadaan inta uu howlgalka u socdo.
Dhanka kale ka dib markii gudoomiye cusub loo magacaabay degmada Kaaraan ayaa iyadana waxaa saakay ka soconaayo howlgal balaaran oo amniga degmadaas lagu sugaayo.

Wixii ku soo kordha howlgaladaan wararkeena danbe ayaad ku aqrisan doontaan haduu alle idmo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada