Werar:- Ururka Alshabaab oo weeraray fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

Werar:- Ururka Alshabaab oo weeraray fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

daajis.com:-Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xoog leh ka dhacay degmadaasi kadib markii ay ciidamo taabacsan Alshabaab ay saqdii dhexe weerar ku soo qaadeen.

Dagaal socday muddo nus saac ah ayaa dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo ciiidamada Alshabaab ee soo weeraray degmada.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo hugunka rasaasta iyo madaafiicda la is weydaarsanayay laga maqlayay meelo ka fogfog degmada Mahaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ah ee ku saabsan weerarkii xalay lagu soo qaaday degmada Mahaday.

Degmada Mahaday ayaa ah halka ay ugu dambaysa ee ay ciidamada AMISOM ku sugan yihiin marka laga soo tago magaalada Muqdisho, waxana ay la kulmaan ciidamadan dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ah.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa weerar gaadmo ah waxa lagu dilay labo askari oo Soomaali ah kana tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli fiidnimo ah oo ay ku sii jeedeen saldhigga ciidamada ay ku leeyihiin degmada Mahaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada