Daawo Sawirada:- Yaxaas dad qaad ah oo lagu soo qabtay harada Victoria dalka Uganda kadib markii uu cunay lix ruux

Daawo Sawirada:- Yaxaas dad qaad ah oo lagu soo qabtay harada Victoria dalka Uganda kadib markii uu cunay lix ruux

daajis.com:-Yaxaas dad qaad ah oo la tuhunsan yahay in uu cunay lix ruux ayaa lagu guuleystay in la soo qabto isagoo nool harada Victoria ee dalka Uganada.

Sida ay daabaceen wargeysyada ka soo baxa dalka Uganda yaxaaskan ayaa waxa uu dhirirkiisu yahay 18ft culeyskiisana hal ton.

Iyadoo la rumeysan yahay in yaxaskan uu cunay lix ruux ayaa qofkii ugu dambeeyay ee uu qaaday waxaa lagu sheegay in uu ahaa Bosco Nyansi oo ahaa kalluumeysato aabe u ahaa labo carruur ah. Meydka Nyansi ayaan la helin waxaana saaxibadii ay sheegeen in yaxaaskan uu cunay.

Xayawaankan ayaa la rumeysan yahay in ay da’adiisu gaareyso 80 sano, waxana uu dhaawacyo u geystey dhowr kalluumeysato ah kadib markii uu dhadhamiyay dhiigga aadanaha.

Muddo afar maalmood ah ayaa ku qaadatay kalluumeysatada inay soo qabtaan yaxaaskan kadib markii ay u dhigeen shabaq. Boqolaal ruux oo ku nool tuulada Kakira ayaa u soo daawasho tagay inay arkaan yaxaaskan oo la saarayo baabuur dushiisa isagoo la geeyay xarunta lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Murchison Falls national Park.

Yaxaaskan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid kamid ah yaxaasyada ugu miisaanka culus caalamka waxana uu ka yar yahay 74kiilo yaxaaska dunida ugu culeyska badan oo lagu soo qabtay dalka Filibiin.

Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in yaxaasku uu yahay xayawaanka saddexaad ee ugu qatarta badan qaarada Afrika iyadoo Jeerta iyo Libaaxu ay yihiin kuwa ugu badan ee aadanaha waxyeeleeya.

Waxaana loo malaynayaa in yaxaasyadu ay ka mas’uul yihin 275 ka mid ah 745 weerar oo loo geysto sanad walba dadka ku nool qaarada Afrika.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada