Kenya:- Qof oo Soomaali ah oo laga celiyey sharciga Kenya kadib dib loogu soo celiyey. why?

Kenya:- Qof oo Soomaali ah oo laga celiyey sharciga Kenya kadib dib loogu soo celiyey. why?

daajis.com:-Sanadkii hore dhamaadkiisii waxaan tabiney in illaa boqol qof laga celiyey sharciga ama aqoonsiga dalka Kenya sida uu shir jaraa’id ka sheegey wasiirka amniga gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku, balse go’aankaasi ayaa laga noqdey bishii Feberaayo ee sanadkani kadib markii ay maxkamad tageen dadkii ay quseysey sharciga kala laabashada.


Laakiin waxaa xiiso leh in dadkaasi boqolka gaaraya oo markii hore loo maleynayay in ay Soomaali yihiin ama u badanyihiin ay hadda soo if baxday in hal qof oo kaliya uu Soomaali ka yahay.

95 ka mid ah dadkaasi waa Hindi, 5 waa Pakistaaniyiin, 4 kalana waxa ay u kala dhasheen dalalka Tanzania, Sri Lanka, Uganda iyo Soomaaliya.

Go’aanka sharci kala laabashada waxa la gaaray waxyar kadib weerarkii dhismaha West Gate oo lagu diley 69 qof, wasiirkana waxa uu sheegey in si sharci darro ah ay ku qaateen aqoonsiga dalka Kenya.

Isla xiligaasi Ole Lenku waxa uu sheegey in uu shaqada ka eryey 15 ka tirsan saraakiisha socdaalka ama arrimaha gudaha, kuwaasi oo iyagu laftoodu maxkamadda geeyey wasiirka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada