Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Maanta Al-Shabaab kala wareegay Deegaan Muhiim ah

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Maanta Al-Shabaab kala wareegay Deegaan Muhiim ah

daajis.com:-Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacan Milatari ka helaya Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay Deegaan Muhiim ah oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Huwanta ayaa saakay Weeraray Deegaanka Lagu Magacaabo Kulan Jareer oo Qiyaastii 45-KM u jira Degmada Xudur , Deegaankan waxaa gacanta ku hayay Dagaalyahno katirsan Al-Shabaab oo kala xiray Degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Mcaalin ayaa sheegay in Ciidamada Huwanta ay maanta u suurto gashay in Al-Shabaab ka saaraan Deegaanka Kulan Jareer oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Maxamed Macalin ayaa sheegay in Deegaankaasi hada ay gacanta ku hayaan kana saareen Shabaabkii ku sugnaa , waxa uuna tilmaamay in dagaal kooban uu dhacay ay qasaarooyin ku gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.


Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Deegaano badan oo hoostaga Degmooyinka Xudur iyo Waajid , waxaana Shabaab ay Go’doomiyeen labadaasi Degmo oo ay u diideen in Ciidamada Huwanta ay gaaraan Sahay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada