U Gaar Dumarka: Ragga Ma Jecla Naagta Dabeecadahaan Leh…

U Gaar Dumarka: Ragga Ma Jecla Naagta Dabeecadahaan Leh…

daajis.com:-Baaritaan ay sameeyay shabakada arimaha bulshada daajis ayaa lagu ogaaday in aysan ragga ka helin haweenka tilmaamahaan laga helo.
Gabadha Maseerka badan waa midda ugu daran ee ay ragga ka cararaan , ragga waa ay ka helaan qaar ka mid ah maseerka kuwaasi oo xoojinaya jaceylka balse ma ogala kan shakiga ku saleysan waxa ayna u arkaan naar .

Gabadha Jecel In Ninka La Haysto u nqodo:Middaan oo kale waxa ay dhalineysa mushkilad aad us sareeysa oo saameyneysa qoyska ninka , waxa ay ka door bideysa in ninka iyada uu u soo go`o , kaasi oo kale Jaceyl ma ah ee waa afduub jaceyl .

Mid falaagada ah:Waa midda aan raali ku noqon nolosha ay ku jirto , mar waliba ganuunac ayay ku jirtaa iyo sheegasho, wax ay ku qanacdo ma jiraan waxa ayna ninkeeda ku cadaadisaa illaa ay ku qasabto rabitaankeeda .

Kama fekarto halka ninkeeda uu ka keenayo dalabaadkeeda iyo in uu awoodo iyo in kale , kaliya waxa eegataa waxa iyada farxad gilinaya taasi sheekadeeda furiin ayuu ku dhamadaa.


Gabar Caruureed: waa midda mar waliba ku xiran hooyadeed , waa midda wax kasta kaga tiisran hooyadeed oo ka sugeysa in ay u hagto , yacnii waaa mid aan laheyn mas`uuliyad oo qoyskeeda kala tashata nolosha ninkeeda.

Midda Daciifka ah: waa gabarta aan go`aanka qaadan karin kaliya asxaabteeda iyo qoyskeeda uun ayay la tashataa , ragga waa ay ku adag tahay in midda tilmaanta leh la macaamilaan .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada