Daawo Muuqaal :- Gabdho Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay Dalka keenya oo ka sheekaynaya Dhibka Qabsaday

Daawo Muuqaal :- Gabdho Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay Dalka keenya oo ka sheekaynaya Dhibka Qabsaday

daajis.com:-Gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadkii laga soo musaafuriyey dalka Kenya ayaa waxay sheegeen inay dhibaato baaxad weyn ay kala kulmeen ciidamada dalka Kenya oo ay sheegeen inay si xun oo bini'aadanimada ka baxsan ay ula dhaqmeen. 


Gabdhahaa Soomaalida oo ka mid ahaa qeybtii ugu horeysay ee kumaankun Soomaali ah oo ay dowlada Kenya ay dib ugu soo celinayso dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay ciidamada dalka Kenya ay si xun ay ula dhaqmeen ayagoona sheegay in jirdil iyo garaacid loo geystay, mid ka mid ah gabdhahaan Soomaalida oo lagu magacaabo Farxiya oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in laga soo qafaalay gurigeeda islamarkaana meel lagula xirey rag nooc walba leh oo ay ku jiraan rag Aakoliistayaal ah, gabadhaan ayaa waxaa kale oo ay sheegtay inay dadkaas oo dhan ay ka wada dhexasay musqulaha iyadoona sidoo kale aan wax cunta ah la siinaynin islamarkaana laga hor istaagay in loo keeno cuntada ay eheladooda u keeneen. 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhibaatada loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootinada ku joogay dalka Kenya ay tahay mid xad gudub weyn ku ah xaquuqda bini'aadanimada islamarkaana ka soo horjeeda heshiisyada u degsan dowladaha caalamka ee ay dowlada Kenya saxiixday ayaa madaxda iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ay si fudud oo laga shakin karo inay ku lug lahaayeen arintaas uga hadleen tarxiilkaas sharci darada ah, Sidoo kale ayaa arinta la yaabka leh waxay tahay in safiirka Soomaalida ee dalka Kenya oo soo galbiyey qaxootigii ugu horeeyey ee laga soo musaafuriyey dalka Kenya uu sheegay in qaxootiga rabitaankiisa ku soo noqday oo kaliya lagu soo celiyey dalka Soomaaliya xilli qaar badan oo ka mid ahaa qaxootigaas si qasab iyo jajuub ah oo aan ku jirin rabitaankooda looga soo qafaalay guryahooda laguna soo daadiyey magaalada Muqdisho. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada