Digniin adag oo loo diray Dhalinyarada Qurbaha ka timid ee falalka Anshax darada ah kusameeya Xeebta Liido

Digniin adag oo loo diray Dhalinyarada Qurbaha ka timid ee falalka Anshax darada ah kusameeya Xeebta Liido

daajis.com:-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin culus waxa ay u direen Dhalinyarada qurbaha ka timid ee falalka anshax darada ah ee ka baxsan Dhaqanka umada Soomaaliyeed kusameeya Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Xasan Muungaab ayaa sheegay in la sameenayo ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay ka hor tagaan falalka anshax darada ah ee Dhalinyardaa qurbaha ka timid ku sameeyaan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

‘’Dhalinyaradiina qurbaha ka timid waxii wanaag ah aad soo barateen noo keena waan idinka faa’ideenaa , laakin maya anshax daro ma yeeleyno taasi in aad ku sameesaan xeebta Liido , Ciidamo ka hortaga falalka Anshax darada ah ay sameeyaan Dhalinyarada qurbaha ka timid ayaa la sameenayaa’’ ayuu yiri Godoomiyaha Gobolka Banaadir.


Jen Muungaab ayaa qiray in ay jiraan Dhalinyaro qurbaha ka timid oo Xeebta liido u taga in ay ku seeyaan Falal aan habooneyn oo anshax daro ah , waxa uuna tilmaamay in Ciidamada gaarka ah ee loo sameenayo kahor taga Falalkaasi la howl galin doono.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili Gudoomiyihii hore ee Gobolka Tarsan uu soo bandhigay Falal anshax daro ah ay Xeebta Liido kusoo kordhiyeen dhalinyaro badan oo katimid qurbaha .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada