Dagaalo ku dhex maray ciidamada dowlada iyo ururka Alshabaab deegaano ka tirsan Galguduud iyo Hiiraan

Dagaalo ku dhex maray ciidamada dowlada iyo ururka Alshabaab deegaano ka tirsan Galguduud iyo Hiiraan

daajis.com:-Dagaalo xoog leh ayaa waxa ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen deegaano ka mid ah gobolka Galguduud iyo gobolka Hiiraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo ciidamada ururka Alshabaab.

Dagaaladan ayaa la sheegay in ay ka dhacayeen xadka kala qeybiya labada gobol ee Galguduud iyo Hiiraan.
Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaaladan iyadoo ay yar tahay wararka madaxa banaan ee laga heli karo deegaankan.

Hase ahaatee Guddoomiye ku xigeenka gobolka G/gaduud C/xakiin Cabdullaahi Warsame (Dhago-weyne) oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaano dhowr ah oo gobollada Hiiraan & G/gaduud ka kala tirsan.

C/xakiin Warsame ayaa sheegay inay deegaanada kala ah Dac,Warsho iyo Maxaas ay hadda ciidamada dawlada iyo AMISOM kusugan yihiin islamarkaana khasaaro xoogan gaarsiiyeen Al Shabaabkii ay dagaalameen.

Sidoo kale shabakadaha taageera ururka Alshababa ayaa daabacay in dagaalo xoog leh ay ka dhaceen qeybo kamid ah gobolka Hiiraan iyo Galguduud isla markaana ay qasaare u geysteen ciidamada Ethiopia ee AMISOM ka tirsan ayna go’odoomiyeen degmada Ceelbuur ee ay haatan gacanta ku hayaan dowlada iyo ciidamada AMISOM. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada