Daawo Sawirada:- Askari weerar Dhimasho iyo Dhaawac dhaliyay ku qaaday Xerada Militariga ugu weyn ee Maraykanka

Daawo Sawirada:- Askari weerar Dhimasho iyo Dhaawac dhaliyay ku qaaday Xerada Militariga ugu weyn ee Maraykanka

daajis.com:-Askari katirsan Ciidamada Mareykanka ayaa Weerar Dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay waxa uu ku qaaday xarunta Militariga ee ugu weyn dalkaasi Maraykanka ee Fort Hood oo ku taal gobalka Taxes.

Ugu yaraan 4-qof uu kujiro Askariga Weerarka geestay ayaa ku dhintay Halka 16-qof oo kalana ay dhaawacmeen Weerarkaasi , kuwaa oo qaarkood lasoo sheegayo in dhaawacyada gaaray halis ay yihiin .

Weerarka kadib waxaa hadlay Taliska ugu sareeya Milatariga Mareykanka oo xaqiijiyay weerarka uu geestay Askarigan katirsanaa Ciidankooda , waxa ayna tilmaameen Askariga weerarka fuliyay in uu kasoo dagaalamay Dalka Ciraaq .

Askarigan ayaa la sheegay in uu kusocday baaritaan caafimaad oo la xariira dhinaca dhimirka uu ka cabanayay sida uu sheegay Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Milatariga Mareykanka oo ka hadlay dhacdadan.

Ciidamada Mareykanka ee kasoo dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ayaa inta badan waxa ay ka sheegtaan caafimaad daro la xariirta dhinaca Dhimirka , waxa ayna ku andacoodeen Ciidankaasi kusoo xanuunsaday Dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan in aysan Dowlada ka helin xanaaneyn fiican.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada