Daawo Sawirada:- FIFA oo Shahaadooyin heer Caalami ah Muqdisho ku siisay Garsoorayaal Soomaaliyeed

Daawo Sawirada:- FIFA oo Shahaadooyin heer Caalami ah Muqdisho ku siisay Garsoorayaal Soomaaliyeed

daajis.com:-Xiriirka kubadda cagta ee aduunka ee loo yaqaano FIFA ayaa magaalada muqdisho kusoo gaba gabeesay siminarkii mudda shanta cisho ah ka socday caasimada somalia waxaana shahaadooyin heer caalami ah halkaasi lagu gudoonsiiyay garsoorayaashii kaqayb galay siminaarkaasi oo ahaa FIFA AM refereeing course,waxaana xiritaankiisa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada cayaaraha ee dowlada soomaaliya.

Siminaarkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee FIFA kuqabo gudaha somalia muddo 25-sano ah kadib ayaa waxaa dadaal dheer u galay xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta oo buuxiyay shuruud walba oo FIFA ku xujeesay in gudaha dalka somalia wax lagu qaban karo waxaana bixinayay macalinka ka tirsan xafiisak horumarinta garsoorayaasha FIFA ee udhashay wadanka masar Ahmed El Shenawi.
Axmed al shanawi oo kahadlay xiritaankii siminaarka ayaa waxaa uu u mahadceliyay xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta kaasi oo sheegay in uu isku tax luujiyay siduu uu siminaaro noocaan oo kale ah ugu qaban lahaa garsooraaasha isaga oo balan qaaday in aysan ahayn markii ugu dambeesay ee uu yimaado caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

“sanado babadn waxaa u dukanaayay sidii koorsada xigta loogu qaban lahaa Mogadishu, dhamaanteen waa kuwada faraxsanahay waxaana rajeenayaan in aad ka faa,iideesateen oo aad kasoo muuqan doontaan tartamada caalamiga ah waana mid aan ku haminaayay waligeey inaan koorso ku bixiyo muqdisho.” ayuu hadalkiisa ku yiri macalinkii siminaarka bixinayay ee Mr. Ahmed El Shenawi.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada cayaaraha iyo dhalinyarada ee dowlada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Khaalid Cali cumar kaasi oo sheegay in ay farxad wayn u tahay dowlada in ay aragto in xiriirka kubadda cagta soomaaliya koorsooyinkiisa lagu qaban jiray dalka dibadiisa haatan lagu qabto dalka gudihiisa.

“waa fursad dahabi ah maanta in koorso noocaan oo kale la idinku qabto dalka gudihiisa waayo qubarada marka ay idin yimaadaan waxaa badan dadka kafaa,iideesanay laakiin hadii aad bixi lahaydeen waxaa yaraan lahaa dadka kafaa,iideesan lahaa sidoo kale waxaa ku baxaya khrashaad badan balse haatan waa muhiim inaan ilaah u mahadcelino” ayuu wasiirka hadalkiisu ku yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirka wasaarada cayaaraha iyo dhalinyarada ee dowlada soomaaliya Khaalid Cali cumar waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyay macalinkii bixinayay simnaarka isaga oo ku sheegay in ay dowlada masar uu kasoo jeedo ay waligeed macalimiin u ahaayeen soomaaliya,sidoo kale waxaa uu mahad balaaran u jeediyay gudoomiyaha FIFA iyo gudiga fulinta ee xiriirka aduunka isaga oo sheegay in 20-kii sano ee soomaaliya bur-burka ku jirtay ay caawin jireen sidoo kale aysan ilaawi doonin markii hal milyan oo doolar ay FIFA ugu deeqday markii dalka ay ka dheceen abaarihii ayna tahay mid ay ku imaatay shaqada wanaagsan ee uu wabtay xiriirka kubadda cagta ee soomaaliya.

Ugu dambayn waxaa halkaasi qudbad dardaaran ah ka jeediyay gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee soomaaliya Cali siciid Guulled Rooble oo kula darraarmay garsoorayaasha in ay kasoo baxaan waxa ay barteen ayna ilaaliyaan sharafta iyo sumcada umdda soomaaliyeed waxaana gudoomiyaha uu balan qaaday in ayan ahaan doonin markii ugu dambeesay ee soomaaliya lagu qabto koorsooyin noocaan oo kale ah balse ay dhawaan imaan doonaan kuwo kale oo tayo badan waa hadii ay kasoo muuqdaan waxa ay barteen.

Waxaana wasiirka iyo madaxdii halkaasi joogay ay shahaadooyin caalami ah ay gudoonsiiyeen 28-kii garsoore ee qaadatay casharada waxaana shahaadooyinka ku saxiixnaa madaxwaynaha FIFA Joseph S. Blatter,iyada oo sidoo kale hadiyado lagu goonsiiyay macalinkii bixinayay siminaarka kuwaasi uu aad ugu farxay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada