Nin sheegtey boqortooyada Soomaaliya oo Bangkok tagay

Nin sheegtey boqortooyada Soomaaliya oo Bangkok tagay

daajis.com:- Wasaaradda arrimaha dibada dalka Thailand ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay kaga hadashay nin Soomaali ah oo sheegtey in uu yahay dhaxalsugaha boqortooyadda Soomaaliya oo booqdey dalkaasi, islamarkaasina loo sameeyey qaabilaad hab-maamuus boqortooyo.

Ninkani oo lagu magacaabo Beeldaaje Maxamed ayaa waxa uu sheegey in uu safarka ku wehlinayo safiirka Soomaaliya ee Thailand Suldaan Mustafa, waxaana soo dhaweyn heer boqortooyo ah loogu sameeyey beer iyo goobo loo dalxiis tago magaalada Bangkok ee caasimadda ah, waxaad arki kartaan sawirada qaabiladaa loo sameeyey.
dhaxal suge
dhaxalsuge

Balse markii warka booqashadiisa uu kusoo baxay jaraa’idka dalkaasi, islamarkaasina laga baahiyey warbaahinta la’iska arko ayaa waxaa markiiba su’aalo laga keeney ereybixinta ah “Jabhuuriyadda Soomaaliya” taasi oo ka dhigeysa in Soomaaliya aysan ahayn dal boqortooyo ah, wasaaradda arrimaha dibada ayaana ku qasbanaatay in ay faahfaahin ka bixiso waxa dhacay.

Waxa ay wasaaradda sheegtey in Beeldaaje Maxamed uu yahay nin kasoo jeeda beelaha dega Puntland ee Soomaaliya, islamarkaasina aysan jirin boqortooyo ay Soomaaliya leedahay, booqashadana ay ahayd mid uu isagu iska abaabushey, isagoo isticmaalaya nin Thailand u dhashay oo hawlo ganacsi u joogey Soomaaliya.

Waxaa ay intaasi ku dartay wasaaradda in ninka lagu sheegey in uu yahay safiirka Soomaaliya aysan iyadana waxbo ka jirin, islamarkaasina labada dal aysanba lahayn wax xiriir dublamaasiyadeed.

“Ninka safiirka lagu sheegey waxay u badantahay in uu yahay gacanyaraha Beeldaaje Maxamed” ayaa warka wasaaradda lagu yiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada