DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray Dhismaha Safaarada Somalia ee Beligum

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray Dhismaha Safaarada Somalia ee Beligum

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaaradda Soomaaliya ee dalka Beligum oo dhawaanahan uu ka socday dayactir, waxaana ay noqonaysaa safaaraddii ugu horreysay oo Somali ay leedahay oo la dayactiro.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium, isla makraana ah ergayga Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi ayaa dhawaan waxaa warqadaha aqoonsiga ah ka guddoomay boqorka dalka Belgium.
Fiqi ayaa sheegay in dayactir lagu billaabay safaaradda ayna ku guuleysanayaan in ay ka dhigaan goob lagu shaqeyn karo, maadamaa ay markii hore deggenaayeen dadweyne uuna ka buuxay qashan badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa madaxdii Afrika oo ka qaybgalay shirkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa sheegay la kulmay mas’uuliyiin ka socday dalalka Yurub qaarkood, kuwaasoo uu kala hadlay gacan siinta dowladda Somalia.
Xubnaha uu madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ah madaxweynaha Faransiiska oo uu kala hadlay sidii dowladdiisu ay gacan uga geysan lahayd horumarka ka socda Soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa dalka ay dagaalladu la dageen.

Beesha Caalamka ayaa horay u ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeynayaan dib u dhiska iyo soo celinta amniga, waxaana shirar dhaqaale loogu ururinayay ay ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay dalalka Belgium, Brtain iyo Japan.
7123456
1617891011121314
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada