Daawo Sawirada:- Mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Al-Shabaab ubalan qaaday Taageero Mug leh

Daawo Sawirada:- Mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Al-Shabaab ubalan qaaday Taageero Mug leh

daajis.com:-Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa kulan balaaran waxa ay la qaateen Odayaal iyo wax garad kasoo jeeda Beesha Jiido ee Degta deegaano kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulanka Al-Shabaab la yeesheen waxgaradka Beesha Jiido ayaa ka dhacay Deegaanka Dacaaro oo hoostaga Degmada Kuntuwaarey , waxaana kulanka ka qeyb galay Saraakiil Shabaab katirsan uu Horkacayay Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Sh/Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala.

Odayaal iyo wax garad kasoo jeeda Beesha Jiido oo kulanka ka hadlay ayaa u balan qaaday Xarakada AL-Shabaab in ay siin doonaan taageero Mugli leh , ayna diyaar u yihiin in naf iyo maalba Al-Shabaab ku caawiyaan.

Abuu Cabdala ayaa uga mahad celiyay Beesha Jiido sida ay u garab taagan yihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab , waxa uuna tilmaamay in xiligan Qabaa’ilada Soomaaliyeed looga baahan yahay in gacan siiyaan Dagaalada ay Shabaab kala horjeedaan Dowlada iyo Ciidamada Huwanta.

Al-Shabaab ayaa inta badan marka uu dagaalo iyo culeesyo kale ku furmaan waxa ay taageero iyo garab warsadaan Qabaa’ilada kunool deegaanada ay joogaan , waxaana hada jira Qabiilo badan oo Al-Shabaab u balan qaaday taageero dhinacyo badan ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada