DAAWO SAWIRADA:- Man City oo ka faa’iideysatay guuldarradii Liverpool guulna ka gaartay Crystal Palace

DAAWO SAWIRADA:- Man City oo ka faa’iideysatay guuldarradii Liverpool guulna ka gaartay Crystal Palace

daajis.com:-Kooxda Manchester City ayaa ka faa’iideystay guuldarradii galabta ku dhacday Liverpool waxaana ay 2-0 uga adkaateen kooxda Crystal Palace ciyaarta ka tirsan Premier League oo ay booqdeen Palace.

Man City ayaa goolka hore uga naxsatay Crystal Palace ciyaarta oo socota afar daqiiqo oo qura waxaana shabaqa tagay geesigeeda Edin Dzeko kaddib caawin uu ka helay Yaya Toure.

Inta aan la’aadin qeybta nasashada daqiiqadii 43-aad ayey mar kale goolka labaad la timid City, waxaana u saxiixay caawiyaha goolka hore ee Yaya Toure, kubbad uu isagu ku lug lahaa oo uu u soo dhigay Samir Nasri, sidaas ayaana lagu kala nastay City oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayeysan wax badan ciyaarta iska bedelin, waxaana kulankii ka dhacay Selhurst Park uu ku soo dhammaatay 2-0 oo ay guusha ku qaateen wiilasha Manuel Pellegrini.

Manchester City ayaa haatan fadhisa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta Premier League, iyadoo hal dhibic ka dambaysa kooxda Chelsea oo ku jirta kaalinta labaad, waxaana ay City leedahay 77-dhibcood.

Daawo Sawirrada:-


 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada