Brendan Rodgers: Labo Bas Ayay Chelsea Goolka Ku Xiratay Iskaba Ilow Hal.

Brendan Rodgers: Labo Bas Ayay Chelsea Goolka Ku Xiratay Iskaba Ilow Hal.

daajis.com:-Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay in ciyaartoydiisa ay u ciyaareen si fiican ilaa iyo intii ay awoodeen balse ay Chelsea labo bas ku xiratay goolka.

Liverpool ayaa guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Chelsea iyagoo awoodi waayay inay dhaafaan daaficii uu u hindisay tababare Jose Mourinho taasoo keentay in tartanka horyaalka uu dib u furmo.
Tababaraha Liverpool ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Waan ka xumahay laakiin waxaan amaani karaa ciyaartoydeyda. Qaabka aan u ciyaarnay waxa ay aheyd si cajiib leh.
“Waan awoodi weynay inaan helno meel aan ka baxno. Waxaana qabaa in maanta labo bas lagu baakimay goolka iskaba ilow hal.
“Taatikada Chelsea waxa ay aheyd mid gabi ahaanba ka duwan waxa aan sameyno… in 10 ciyaaryahan lagu soo uruuriyo xerada ganaaxa ma ahan wax ay adag tahay in la tababaro.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada