Daawo Sawirada:- Real Madrid oo ka aar-satay Dortmund iyo PSG oo guuldaro xanuun leh dhadhansiisay Chelsea

Daawo Sawirada:- Real Madrid oo ka aar-satay Dortmund iyo PSG oo guuldaro xanuun leh dhadhansiisay Chelsea

daajis.com:-Waxaa caawa la ciyaaray lugta koowaad ee wareega 8-da Koobka Champions League, iyadoo ciyaaraha ay ahaayeen kuwo aad u xiiso lahaa, kuwaasoo si gaar ah isha loogu hayay.

Mid ka mid ah kulamada aadka loo sugayay ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaartii dhex martay Real Madrid iyo Borussia Dortmund, iyadoo labada koox isugu dambeysya Sema Finalkii hore ee Champions League, xilligaasoo Real Madrid la baday guuldaro xanuun badan.

Hase ahaatee Real ayaa waxay nasiib u heshay inay mar kale iska hor yimaadaan hal sano kadib, markii Sema Final-kii sanadkii hore laga reebay, waxaana lugta hore ee Wareega 8-da Real guusha ku raacday 3-0.

Real Madrid ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 3aad waxaa u hogaanka u dhiibay xidiga aduunka ugu qaalisan Gareth Bale, waxaana ciyaarta inta badna maamuleysay Real Madrid oo lagu ciyaariyay garoonkeeda Bernabue Stadium.

Ciyaaryahan Isco ayaa Real u dhaliyay goolka labaad, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay labo gool iyo waxba ay hogaanka ku heysay Real Madrid.

Qeybtii labaad ayaa markii la isku soo laabtay waxaa goolka saddexaad Real Madrid u saxiixay ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo ah goolkiisa 14aad ee Tartankan, isagoo bar bareeyay rikoorkii Messi, kaasoo sanadkii hore ku qaaday tartanka gool dhalinta 14 gool.

Real ayaa sii abuuratay fursado goolal loo fishay, hase ahaatee waxaa ku filnaa saddexdan gool oo ay hal lug la sii gashay Sema Finalka, waxaana lugta labaad lagu ciyaari doonaa garoonka Kooxda Borussia Dortmund todobaadka soo socda.

Ciyaartii kale ee la sugayay ayaa iyana aheyd tii ka dhacday magaalada Paris ee kooxaha PSG iyo Chelsea oo marti u aheyd, waxaana ciyaartan oo ku bilaabatay dar dar ay u suura gashay kooxda PSG inay hogaanka qabatay afar daqiiqo oo ciyaarta socotay, markii kubad qurux badneyd uu dhaliyay ciyaaryahan Lavezzi.

Goolkan ayaana Chelsea ku riday jahwareer, iyadoo markaas wixii ka dambeysay maamulka ciyaarta ay la wareegtay PSG oo isku dhiib dhiib fiican ay sameynayeen ciyaartoyda kooxda oo ahaa kuwo aad u caabonaa.

Chelsea ayaa isku dayaysay inay la qabsato ciyaarta, waxaana mar ay ku dhawaatay inay bar baro hesho, hase ahaatee waxaa daqiiqadii 27aad gool u dhaliyay Hazard, taasoo ahaa rigoore, kadib markii Oscar diilinta ganaaxa uu ku jalaafay Thiago Silva, iyadoo garoosaha oo aan ka laba labeyn uu u dhigay Chelsea rigoore.

Qeybtii hore ayaa ciyaarta waxay ku soo gaba gabowday bar bar dhac gool iyo gool, hase ahaatee qeybtii labaad ayaa markii la isku soo laabtay, dar dar xoog leh waxaa la soo gashay PSG oo maanka ku heysay in bar barahan gool iyo goolka aanu faa'ido u aheyn maadaama gurigooda lagu ciyaarayo.

Daqiiqadii 62aad ee ciyaarta ayaa kubad laad xor aheyd oo uu soo tuuray Lavezzi waxaa iska dhaliyay David Luiz, waxaana goolkaas ka dhashay Chelsea uu u keenay niyad jab weyn, maadaama mid ka mid ah ciyaaryahanadooda uu iska dhaliyay.

Inkastoo Chelsea ay dooneysay inay bar bareyso, ayaa hadana waxaa daafacyada PSG oo aad u foojignaa ayaa u sahli weysay weeraryahanada Chelsea inay kubado helaan.

Kooxda PSG ayaa intii ciyaarta socotay qeybtii labaad waxaa dhaawacyo uga baxay xidigahooda Zlatan Ibrahimovic oo muruq booday iyo ciyaaryahan Marco Verratti oo ahaa ninka aadka uga dhex muuqday qadka dhexe.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray ciyaarta waxaa quusiyay Chelsea oo ciyaarta ka dhigay 3-1 ciyaaryahan Javier Pastore oo kubad uu si xarago leh ugu soo gambiyay Lampard iyo Azpelcueta si fudud u daba mariyay goolhaye Petr Chech.

Guushan lugta hore ee ay gaartay PSG ayaa waxay hal lug la gashay Sema Finalka, ama rajo fiican ka qabtaa inay u soo baxdo, waa hadii Chelsea marka la tago Stamford Bridge ay keensan weydo labo gool iyo waxba.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada