Madaxweynaha 3-da Gobol ee Baydhabo lagu dhisey oo ka codsadey dhankooda in ay ku soo biiraan kuwa 6-da Gobol

Madaxweynaha 3-da Gobol ee Baydhabo lagu dhisey oo ka codsadey dhankooda in ay ku soo biiraan kuwa 6-da Gobol

daajis.com:-Madaxweynaha maamulka Seddexda Gobo lee koofur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdi Nuur oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay doonaan mideynta ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamulkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si wanaag loo gaaro ay muhiim tahay ka shaqeynta xasiloonida amaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isagoo u jeediyay maamulka lixda gobol inay dhankooda kusoo biiraan.

  
Maxamed Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan maamulka lixda gobo lee looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, kaasi oo uu sheegay inaan la wada taageersaneyn.

“Waxaan leenahay annaga waxaan diyar u nahay inay nagu soo biiraan, wadahadal waan dooneynaa, waa in laga shaqeeyaa midnimada Soomaalida”ayu yiri madaxweynaha maamulka seddexda gobol.

Magaalada Baydhabo waxaa wali ku sugan wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka oo kulamo la qaadanaya odayaasha dhaqanka, iyo madaxda maamulada lixda iyo seddex gobo lee koofur galbeed Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada