Daawo Video:- Hodan C/Rixmaan Dheere oo la soo qabtay bilawga fankeeda

Daawo Video:- Hodan C/Rixmaan Dheere oo la soo qabtay bilawga fankeeda

daajis.com:-Inta Badan waxaan Maqalnaa Fanaaniinta jiilka dhexe iyo dambe ay sheegtaan in si un ay igu soo jeedaan bah faneed oo mararka ay ka waramayaan qaabka ay ku soo galeen fanka waxayna sheegan in waalidiintood ama qof ehel ahaan u dhow uu ahaa fanaan, jilaa, muusikiiste, laxamiiste ama gabyaa.

Iyadoo sababta ka dambeysa ay tahay in dhiigooda uu ku jiro fanka ama loo dhalayba in ay heesaan ama ku soo jiitaan taageerayaal badan hase ahaatee waxaa jira oo marnaba aanan la qarin karin in ay jiraan kuwa loo dhalay in ay noqdaan fanaan sida Hodan Abdiraxman Dheere.
Marka laga tago in ay iska dhaleen Aamina Abdullahi iyo Abdiraxman Cisman oo ku magac dheeraa Abdiraxman Dheere waxaa la hayaa muuqaalo cadeyn u ah fanaanimadeeda qaab jiliin iyo qaab heesaaba ay bilwaday xiligii ay dhiganaysay Dugsiga hoose.
Waxaa la helay Muuqaal hor leh oo muujinaya doorka ay ka qaadan jirtay Ruwaayada ardeyda Dugsiyada ay ku soo bandhigaan Xafladaha lagu soo bandhigo dugsiyada xiliyada ay furmayaan iyo marka ay xirmayaan si waalidka loo tuso heerka ay mareyso waxbarashada Caruurtooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada