Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida Kenya (DAAWO SAWIRADDA)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida Kenya (DAAWO SAWIRADDA)

daajis.com:-Madaxwaynaha jamhuriyada fadaraalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sh.Maxamuud ayaa kulan balaaran la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Kenya, waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo afhayeenka aqlabiyaada baarlamaanka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale .

Madaxwayanaha iyo jaaliyadda ayaa ka wada hadlay arrimo dhawra iyagoo sidoo kale jaaliyadu usoo bandhigay madaaxwaynaha dhibaatooyinka  lagula kaco dadka Soomalaiyeed ee ku nool dalka Kenya, waxeyna ka codsadeen  madaxwayanaha inuu wax ka qabto xaalada cakiran ee ka  taagan xaafada islii.

Madaxwaynaha ayaa dhankiisa jaaliyada uga  waramay kulamadii uu la qaatay intuu uu ku sugnaa dalka Kenya mas’uuliyiinta ugu sarsaraysa dalkaasi, waxana uu sidoo kale madaxwaynuhu ka codsaday jaaliyada inay  dawlada Kenya kala shaqeeyaan dhanka amaanka.
Isagoo sidoo kale sheegay inuu kala hadlay madaxwaynaha Kenya ilaalinta Amaanka shacabka Soomaaliyeed ee kuno ol Kenya, islamarkaana uu balanqaaday madaxwayne Uhurru kenyata inuu il gooni ah ku fiirin doono xaalada Soomaalida Kenya.


Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka  Kenya mudane Aadan Barre Ducaale isagoo uga xog waramay jaaliyada dadaalada ay wadaan mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee ku jira dawlada Kenya wuxuuna sheegay inay meel fiican marinayaan dabagalka dhibaatooyinka lagula kacayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool xaafada Islii 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada