DAAWO VIDEO:- Macallin mid ka mid ah killiyihiisa ugu deeqay gabar soomaaliyeed oo ka mid ah ardaydiisa

DAAWO VIDEO:- Macallin mid ka mid ah killiyihiisa ugu deeqay gabar soomaaliyeed oo ka mid ah ardaydiisa

daajis.com:-Ray Coe oo ah 53 jir ayaa Ardayadiisa Alya Ahmed Ali oo ah 13 jir ugu deeqay mid ka mid kelyihiisa kadib markii uu ogaaday in ay nolosheeda ay ku xiran tahay keli loogu deeqo.

Ayla oo reerkooda kula nool Stratford, east London ayaa la muddo badan la dhibtoonaysay xanuun Kelyaha ah kadib markii ay shaqada gabeen iyadoo ay u sii dheertahay biyo kaga jira maskaxda oo ku adkeeya waxbarashada.

Hooyada Dhashay Gabadhan ayaa Macalinkeeda Mr Coe u sheegtay xagaagii hore in gabadheeda aysan imaanaynin Iskoolka maadaama laga nadiifinayay Kelyaha oo aanan u shaqeynaynin sidii la rabay.

Kadibna waxa uu hooyada waydiiyay waxa uu u qaban karo si loo caawiyo gabadha yar, waxaana uu isu diiwaan galiyay in uu ugu deeqi karo kelidiisa, waxa uuna yiri.

“Waan ogaa waxa ay tahay in la isu diiwaan galiyo keli ku deeqid, waxaana jirtay suuragalnimo keeni kartay in aan ka dhabeeyo adigoo waliba la socday dhab ahaan waxa aan sameynaayay”

Waxaana uu intaasi ku daray in waxa loo dhalayba ay aheyd in uu sidaas sameeyo, waxayna noqotay arinta saxda ah ee loo baahnaa ayuu raaciyay hadalkiisa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada