Daawo Sawirada:- Dowladda Talyaaniga oo qalab ciidan ku wareejisay Dowladda Federaalka

Daawo Sawirada:- Dowladda Talyaaniga oo qalab ciidan ku wareejisay Dowladda Federaalka

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Munaasabad ka dhacday garoonka Muqdisho oo aheyd wareejinta qalab ka koobnaa Gaadiid ciidan oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa fududeeya howlaha kale ee ciidan, dharka ciidanka Millateri iyo Boliis, iyo agab kale oo xafiiseed, waxaana munaasabadan ka soo qeybgalay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Talyaaniga iyo midowga Yurub oo iyagu dhanka tababarada ka saacida ciidanka.
Italy-deeq-1
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in qalabkan ay dowladda Talyaanigu ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi, maadaama ay haatan howlgalo ciidan ka soconayaan gobolada dalka isla markaana ciidanku u baahnaayeen taakuleynta dhanka gaadiidka iyo agab kale ee ciidanku ku howlgalaan.

“Qalabkani waxa uu ka tarjumayaa heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dhex maray dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga bishii September sanadkii hore magaalada Rome, waxaana fileynaa in si buuxda uu u dhaqan galo heshiiskaasi oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta iyo dib u dhiska ciidankeena qalabka sida” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ku dheeraaday howlgalada ciidanka dawladda ee gobolada iyo sidii loo gaarsiin lahaa gurmad raashin, caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello ayaa xusay in taageerida dowladda Talyaaniga ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad, ayna doonayaan inay si toos ah ula tacaamulaan dawladda iyo hogaankeeda.
Italy-deeq-2
“Waxaan balan qaadeynaa inaan sii laba jibaarno taageeradeena dawladda Federaalka aanu u fidineyno, waana naga daacad garab istaageena” ayuu yiri ugu dambeyntiina Safiirka Dawladda Talyaaniga uga wakiilka ah dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello.
Talyaaniga oo horay u gumeystay Soomaaliya ayaa dib boorka ugu jafaya danaha uu ka leeyahay Soomaaliya, iyadoo 10-kii sano ee u dambeeyay ay yareyd saameynta uu ku lahaa Soomaaliya, maadaama ay booska ka riixdeen dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka oo noqday dalalka safka hore ee daneeya Soomaaliya.Italy-deeq-3
Italy-deeq-4Italy-deeq-5Italy-deeq-6Italy-deeq-7


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada