DAAWO VIDEO: Nin somali ah oo iskalahaa gaarigii isku qarxiyay magaalada Nairobi oo maxkamad la soo taagay iyo somalida oo cabsidii kusii weynaatay.

DAAWO VIDEO: Nin somali ah oo iskalahaa gaarigii isku qarxiyay magaalada Nairobi oo maxkamad la soo taagay iyo somalida oo cabsidii kusii weynaatay.

daajis.com:-Waxaa Jimcihii shalay Maxkamada Nairobi ka soo muuqday Ahmed Dugal Ali, oo ah milkiilihii iska lahaa gaarigii qaraxa loo adeegsaday, ee habeenimadii Arbacada ku qarxay banaanka hore ee Saldhiga Booliska ee Pangani.

Ninkaan, ayaa Khamiistii u yimid Booliska Kenya, isagoona u sheegay in uu yahay milkiilaha gaariga qaraxa lagu fuliyay, ka gadaal markii uu Telefishinada ka arkay in gaarigiisii loo adeegsaday qaraxa.

Labada nin ee saarneyd gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayay mid ka mid ah ehelo yihiin Dugaal, inkastoo uu sheegay inaanu isagu wax shaqo ah ku lahayn weerarkaasi.

Ahmed Dugal Ali, ayaa Jimcihii Maxkamada u sheegay in loo sheegay, in uu xarig yahay, hase ahaatee wuxuu soo dhoweeyay in Booliska uu kala shaqeeyo, si kasta oo lagu ogaan karo cidda ay ka tirsan yihiin, kuwii weerarkaan fuliyay.

Dugal oo Maxkamada u sheegay in uu yahay nin ka shaqeysta Magaalada Nairobi, ayaa
waxay Maxkamadu amartay in xabsiga lagu sii haayo muddo 10 maalmood ah, sababo ku aadan Booliska oo weli baaritaano ku guda jira.

Dhanka kale Maxkamada, ayaa waxaa ka soo muuqday laba nin oo kale oo lala soo taagey Dugal, laguna kala magacaabo Abdiaziz Bulle iyo Mohamed Abdullahi, isla-markaana loo heysto Shabaabnimo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada