Daawo Video:- Shacabka ku nool xaafadda Islii oo kacabanaya ciidamada booliska Kenya

Daawo Video:- Shacabka ku nool xaafadda Islii oo kacabanaya ciidamada booliska Kenya

daajis.com:-Shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya ciidamada Booliska ee dalka Kenya, kuwaasi oo dhibaato ba'an ku haya dadka degan xaafadaasi.

Xaafadda Islii oo dhawaan ay ka dhaceen qaraxyo laba ah oo ay ku naf waayeen 7 qof in kabadan 20 kale na ay ku dhaawacmeen ayaa haatan waxaa kusoo badanaya ciidamada Booliska Kenya oo howlgallo baaritaano ah ka sameynayo xaafadaasi.
 
Howlgallada ciidamada Kenya ay ka sameynayaan xaafadaasi ayaa waxa ay Boolisku sheegen inay amaanka ku xaqiijinayaan, inkastoo ay jirto dhibaato ay shacabka u geysanayaan.
 


Sheekh Soomaaliyeed oo caan ah islamarkaana lagu magacaabo Sheekh Xasan Xuseen Aadan iyo xaaskiisa ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi, iyagoo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanyihiin Al-shabaab.
 
Dacwad oogaha Sheekha iyo xaaskiisa dacwadda kusoo oogay ayaa maxkamadda u sheegay inay kusoo qabteen laba bam gacameed guryaha ay degan yihiin.
 
Dhawaanahanba waxaa sii xumaanayay amaanka dalka Kenya oo ay ka dhacayeen Qaraxyo qorsheysan, iyadoo arintaasi ay saameyn xoogan ku yeelatay Somalida ku dhaqan dalkaasi Kenya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada