Gabar Soomaali Uur leh oo ka soo dhacday dabaq 3aad ku yaal xaafada Islii, xilli ay iska qarineysay Askarta

Gabar Soomaali Uur leh oo ka soo dhacday dabaq 3aad ku yaal xaafada Islii, xilli ay iska qarineysay Askarta

daajis.com:-Nadiifo Cabdi oo ah Gabar Soomaali uur leh ayaa habeen hore ka soo dhacday dabaq saddexaad oo ku yaala Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, xilli ay ka dhuumaneysay Ciidamada Booliska Kenya oo habeen saq dhexe u soo gar-garaacay albaabka.

Gabadhan ayaa isku dayeysay iay daaqada guriga uga dhuumato, markii ciidamada ay albaabka soo garaaceen, waxaana ay si lama filaan ah uga dhacday daaqada oo aan laheyn biro celiya, taasna ay keentay inay dhabarka ka soo gaarto jug.

Nadiifo ayaa wareysi ay siisay laanta afka Soomaaliga BBC-da, iyadoo Isbitaal ku jirta ayaa sheegtay inay heysato kaarka qaxootiga, marar badan oo la qabtayna isku furdaamisay lacago, hase ahaatee xilliga saqda dhexe ee albaabka guriga loo soo gar garaacay aysan heysan wax lacag ah.

"Dabaqa saddexaad ayaa saarneyn, waxaa albaabka noo soo garaacay askarta, xilli saq dhexe, anagoo hurdeynay, albaabka ayaa fiiriyay, waxaa arkay inay askar yihiin, gabar ila jiiftay ayaa ka soo kiciyay, albaabka fur ayaa dhacay, anigana daaqada ayaa istaagay oo aan isku qarinayay, markaas kadib daaqadii ila dhacday bir jilcan laheyd wey ila fakatar, daaqada waxaa kula tiirsanaa sariirteyda"ayay tiri Nadiifo.

Xabiibo Xasan Cumar oo habar yar u ah gabadha dabaqa saddexaad ka soo dhacday ayaa ku tilmaamtay arrin murugo iyo naxdin, waxaana iyadoo ooyneysa ay sheegtay in dhibaato ay tahay in qof xaamilo ay ay habeen saq dhexe ka soo dhacdo dabaq saddexaad.

Dhaqtarka la tacaalaya xaalada caafimaad ee Nadiifo ayaa sheegay in dhabarka ay jug ka soo gaartay, isla markaana ilmaha uurka ku jiro aanay waxba soo gaarin, ayna fiican yihiin markii ay saareen Computer.

"Markii baaritaan lagu sameeyay laf dhabarka ayaa jug ka gaartay, daawooyin xanuun baabi'iye ayaa siinay raajo waa la saaray, uur afar bilood ayay leedahay Computer ayaa la saaray ilmaha waxba ma gaarin"ayuu yiri Dhaqtarka.

Dhibaatooyinka ay u geysanayaan Ciidamada Booliska Kenya dadka Soomaaliyeed ayaa sii kordhayay, iyadoo aanay dadka u kala sooceyn, caruur, dad waayeel, haween uur leh iyo diblomaasi ah, waxaana arrintan ay noqotay mid si aad ah uga xumaadeen dadka Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada