Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiya Kenya

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiya Kenya

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa falkii ciidamada booliska Kenya ku xireen Safiir kuxigeenkii ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya u fadhiya Kenya Siyaad Maxamuud Shire ayaa u yeertay Safiirka iyo Qunsulka inay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso tallaabadaas foosha xun, waxaana uu intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay in diblomaasi Soomaaliyeed si xun loola dhaqmo.

"Arrintaas aad ayaa u cambaaareyneynaa Golaha Wasiirada waa ka shireen, Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa la faray inay war cad ka keenaan"ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo faah faahin ka bixinayay shirkii Golaha Wasiirada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in si deg deg ah loogu yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Qunsulka Safaarada Siyaad Maxamuud, inay Muqdisho yimaadaan si wada tashi loola yeesho.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in falkaas aad uga xun yihiin, isagoo xusay in warqad cabasho ah u qoreen Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya, ayna ka sugayaan inay jawaab cad ka bixiso tallaabadaas foosha xun.

Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada Ciidamada Booliska Kenya ku xireen Qunsulka Safaarada, taasna ay xadgudub ku tahay sharciga diblomaasiyada caalamiga ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada