DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kormeeray xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

daajis.com:-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, isagoo kormeeray qaabka ay u shaqeyso xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Idaacadda Radio Muqdisho, TV-ga Qaranka iyo Wakaaladda wararka SONNA.

Madaxweynaha ayaa sheegay in  shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku shaqeeyaan daruufo adag, sidaasi ay tahayna looga baahan yahay in ay laba jibaaraan howsha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, si loo dardargeliyo wacyi gelinta bulshada.


“Farxad ayay ii tahay in aan maanta soo booqdo xarunta Wasaaradda, waxaan aad ugu faraxsanahay in dhalinyaradan ay hayaan howlo aad u wanaagsan, waana ugu hambalyeynayaa, dadaalka ay wadaan dhalinyarada, maadaama si wanaagsan looga faa’iideystay” ayuu yiri Madaxweynaha.


Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha ay u tahay mid taariikhi ah, maadaama ay u gudbiyeen xaaladaha ay ku shaqeeyaan howlwadeenada Wasaaradda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada