Guuleed: “uma dul qaadaneyno in la dhaco Hantida Soomaaliyeed ee Islii”

Guuleed: “uma dul qaadaneyno in la dhaco Hantida Soomaaliyeed ee Islii”

daajis.com:-Wasiirka Amniga Qaranka Somaliya C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay raafka ciidamada Kenya ku heyso dadka Somaliyeed ee deggan magaalada Nairobi.

Wasiir Guuleed ayaa sheegay inay raali ka noqon doonin in la dhibaateeyo dadka Somaliyeed isagoo dawlada Kenya ugu baaqay inay baarto dadka Nabad gelyo xumada kusameynaya oo aysan dadka shacabka aan waxba galabsan uciqaabto dambi aysan wax ka ogeyn.

Isagoo sii hadlaya ayuu Wasiirka Amniga Qaranka Somaliya sheegay inay maqleen warar sheegaya in la dhacay hanti Somaliyeed oo Nairobi taallay waxaana uu si cad usheegay in hantidaasi ay xisaabsanayaan Somalida marna aysan raali ka aheyn in la dhaco.

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii dambe waday baaritaano ay ku qab qabanayeen dadka Somaliyeed waxaana garoonka K/cagta lagu ciyaaro ee Kasarani buux dhaafiyey Somali lagu qabtay howlgalo laga sameeyey Nairobi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada