Hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo boqolaal kale oo dil toogasho lagu xukumay

Hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo boqolaal kale oo dil toogasho lagu xukumay

daajis.com:-Maxkamad ku taal Masar ayaa maanta dil toogasho ku xukuntay ilaa 683 xubnood oo uu ku jiro Hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamed Badiic, kaasoo sanadkii hore lagu qabtay magaalada Qaahira, kadib banaan bax rabshado watay oo dad badan ku dhinteen.

Eedeysanayaashan ayaa loo heysta weerar ka dhacay saldhig boolis ku yaala Minta sanadkii 2013, halkaasoo lagu dilay askar.

Xukunkan ay riday Maxkamada ayaa waxaa cambaareeyay hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo la dhaliilay qaabka ay u dhacday dhageysiga dacwada iyo in tiro boqolaal ruux mar kaliya xukun dil lagu xukumo.

Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalena looma akhrin eedaha loo haystay.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Balse mas'uuliyiinta dowladda Masar ayaa ururka ku eedeynayo rabshadaha dalka ka dilaacay tan iyo markii militeriga uu talada ka wareejiyay Mursi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada