Ra`iisal wasaare Cabdiwali Sheekh oo Kenya ugu baaqay in ay joojiso xadgudubka

Ra`iisal wasaare Cabdiwali Sheekh oo Kenya ugu baaqay in ay joojiso xadgudubka

daajis.com:-War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra"isul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in Ra"isul wasaaruhu uu dawlada Kenya weydiisday inay joojiso xad gudubyada ay kula kacdo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay dalkeeda kasoo raafayso.


War saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay Ra"isul wasaaraha oo maanta la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo shalay Muqdisho yimid in dawlada Kenya la weydiistay inay joojiso dhibaatadda joogtada ah ee ay ciidamada Kenya u geystaan bulshada Soomaaliyeed oo ay boolisku ka qab qabanayaan magaalada Nairobi xaafado ku yaala.

“Dawlada Soomaaliy waxay ka walaacsantahay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya ku nool waxaana dawlada Kenya u jeedinaynaa inay ixtiraamto muwaadiniinteena” ayaa lagu yiri war saxaafadeeedka.

Danjire Max’ed Nuur Cali Americo oo ah safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeyb galay kulan xubnaha  golaha wasiiradda Soomaaliya Muqdisho ku yeesheen waxaa uu ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaalida Kenya ku nool.

War saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in dawlada Soomaaliya ay dhigeeda Kenya weydiisatay inay jawaab deg deg ah ka bixiso sababta keentay in booliska Kenya ay xiraan qunsulka Soomaaliya Kenya Siyaad Max’ud Shire wallow mar dambe lasii daayay.


Booliska Kenya ayaa raaf aan kala sooc laheyn ku haya Soomaalida Kenya ku nool waxaana lagu eedeeyay booliska Kenya lagu eedeeyay inay xad gudub u geysteen bulshada Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada