Ku dhawaad 700 oo dil lagu xukumay Masar

Ku dhawaad 700 oo dil lagu xukumay Masar

daajis.com:-Dad gaaraya 700 oo ruux oo ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar ayay maxkamad dil ku xukuntay, waxaana dadkaas ka mid ah hoggaamiyaha ururkaas Maxamad Badiic.

Eedaysanayaasha ayaa loo haystaa in ay dileen askari boolis ah intii ay socdeen rabshadaha bishii Agoosto. Xukunkaasi ayaa kiciyay dhaleecayn ballaaran oo caalami ah.

Xukunka dilka ah ayey maxkamadu shaacisay bishii Maarso ee la soo dhaafay, kaddib markii ay dhageysiga dacwada socotay muddo saacad ah.

Eedaha loo haystay

Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalena looma akhrin eedaha loo haystay.
Kiiska ayaa loo gudbiyay muftiga ugu sarreeya ee Masar - oo ah mid ka mid ah madaxda diinta ee dalkaasi - balse argatidiisa ku aadan go'aanka maxkamadda ayaanan aheyn mid wax baddeli karto.
Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Balse mas'uuliyiinta dowladda Masar ayaa ururka ku eedeynayo rabshadaha dalka ka dilaacay tan iyo markii militeriga uu talada ka wareejiyay Mursi.

BBC-somali


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada