Jahwareer ka taagan qaadashada kaarka aqoonsiga kadib markii baarlamaanka uu amray in la joojiyo

Jahwareer ka taagan qaadashada kaarka aqoonsiga kadib markii baarlamaanka uu amray in la joojiyo

daajis.com:-Kadib markii shalay uu baarlamaanka Federalka Soomaaliya amray in la joojiyo qaadashada kaararka aqoonsiga ee ay dowlada hoose ee Muqdisho bixin jirtay ayaan la ogeyn in amarkaas ay u hogaamsami doonaan maamulka gobolka Banaadir.

Boqolaal ruux oo ayaa saaka waxa ay gaareen xaruntii laga qaadan jiray kaararka iyagoo dadkaasina ay isugu jiraan qaar hore loogag qaaday sawir iyo qarash oo sugaya in ay helaan kaarkoodii halka kuwa kalana ay doonayaan in ay qaataan karaka aqoonsiga.

Baarlamaanka ayaa sheegay in qaadashada kaarka shacabka Soomaaliyeed ay dhib ku qabaan waxayna cod gacan taag ah ku diideen in uu sii socdo qaadashada kaarka aqoonsiga.

Golaha Baarlamaanka ayaa go’aamiyay in Baasaboorka sidii hore loo qaadan doono oo aan lagu xiri doonin National ID oo qaadashadiisa dhibaato lagala kulmo.

Kulan uu yeeshay baarlamaanka dhowaan ayaa inta badan xildhibaanada waxa ay sheegeen in qaabka loo bixiyo kaararka dhalashada ay tahay mid qaldan iyagoo ku sifeeyay in lacag badan laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed isla markaana aan la ogeyn lacagtaa halka la geeyo. 

Sidoo kale xildhibaanadu waxa ay sheegeen in muwaadiniinta dalka oo dhan ay u baahan yihiin kaararka oo aysan ahayn in dowlada hoose ee Muqdisho oo kaliya ay bixiso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada