Daawo:- Dabaal daga Mourinho iyo Ka Hadlay Guushii Xalay, Soona Dhaweeyay Inay Isku Soo Beegmaan Real Madrid.

Daawo:- Dabaal daga Mourinho iyo Ka Hadlay Guushii Xalay, Soona Dhaweeyay Inay Isku Soo Beegmaan Real Madrid.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay guushii cajiib ka aheed ee ay xalay kooxdiisu ka gaartay kooxda PSG oo lugtii hore uga soo adkaatay 3-1.

Mourinho ayaa sheegay in kooxdii difaaca gashay ay guul daraysatay halka kooxdii sifiican u ciyaartay ay guulaystay wuxuuna intaa sii raaciyay inay sifiican u raaxaysan doonaan hadii ay isku soo adaan kooxdiisii hore ee Real Madrid.
Mourinho ayaa ku bilaabay hadal kiisa “Wax badan ayaan samaynay bilowgii qaybtii danbe si aan gool u dhalino, intii aanan dhalin goolka si wayn ayaan ula wareegnay ciyaarta qaybtii danbe, tababarka ayaan sidaas ku samaynay shalay anakoo adeegsanay 3 nuuc oo kala duwan, ciyaartoyda si fiican ayeey u garanayeen wixii laga rabay inay sameeyaan”.
Mourinho ayaa la waydiiyay sababtii uu u orday markii ay ciyaartoyda u dabaal dagayeen goolka Demba Ba wuxuuna ku jawaabay:
“U ma aadin koornada si aan ula dabaal dago ciyaartoyda lakiin waxaan u aaday inaan u sheego qaabka aan u ciyaarayno maadaama ay ciyaarta ka harsaneed 3 daqiiqo oo lagu sii daray waqtiga dheeraad ka ah, waxaan ku ciyaaray nay qaab ay qatar badan nagu soo wajihi kartay, waxaan rabay inaan u adeegsado Ba iyo Torres laba nuuc oo kala duwan”.
“Waxaan doonayay in Ba oo ka ciyaaro difaacyada hortooda halka aan ku amray Torres inuu ka ciyaaro Maxwell hortiisa, waxaana ula jeeday waxaan isku dayayay inaan uga faaidaysto weerar yahanada shaqooyin kale kadib markii aan garnay wixii aan hiigsanaynay”.

“Waxay aheed guul aan u qalanay waayo kooxdii difaaca gashay waala ciqaabay halka kooxdii qalbiga ka ciyaartay ay mutaysatay inay soo baxdo, mar walbana waxaan haysanaa kalsoonida ah guul taasna waa qayb ka mid ah dabeecada kooxda”.
Mourinho ayaa la waydiiyay hadii uu jeclaan lahaa inay isku soo beegmaa Real Madrid wuxuuna ku jawaabay:
“Hadii aan isku soo aadno Real Madrid Semi Final-ka wax badan ayaan raaxaysan doonaa”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada