Ra.iisul wasaarihii hore Ee Dalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi maxamed Farmaajooo si kulu ugu hadlay..

Ra.iisul wasaarihii hore Ee Dalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi maxamed Farmaajooo si kulu ugu hadlay..

daajis.com:-Ra.iisul wasaarihii hore Ee Dalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi maxamed Farmaajo oo ku sugan Wadanka Mareykanka ayaa isagoo la hadlayay Idaacada Kulmiye oo Fadhigeedu Yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu si aad ah u cambaareeyay Falka Ciidamada amaanka Dowladda Kenya ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Xabsiyada Wadanka Kenya ku jira

Mr farmaajo ayaa waxaa uu xusay Waxa ay sameynayaan Ciidamada amaanka Dowladda kenya ay tahay wax laga xumaado oo keeni kara Cawaaqib Aysan mahdin Dowladda Kenya Waxaa uu uga digay Kenya in arintani ay cadaawada ku badiso isla markaana kooxaha amaan darada ka geysanaya wadankaas ay taageero helaan.

isagoo sii hadlaya ayaa Maxamed cabdulaahi farmaajo waxaa uu is weydiiyay Sababta Dowladda Somalia ay uga aamustay Dhibaatada Dadkeeda ku haysata Wadamada ay kenya ka mid tahay isagoo Aamusnaanta bar bar dhigay Safarkii Madaxweynuhu ku tagay Nairobi oo ah halka Somalia tacadiyada ay kala kulmayaan uuna la kulmay Hogaanka ugu sareeyay Dowladda Kenya .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada