Daawo Sawirada:- Mas'uul ka tirsan Gobolka Banaadir oo lagu dilay qarax gaariga loogu xeray

Daawo Sawirada:- Mas'uul ka tirsan Gobolka Banaadir oo lagu dilay qarax gaariga loogu xeray

daajis.com:-Xoghayihii degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Maxamuud Xaaji Deel ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo la sheegay in gaarigiisa loogu xeray.

Qaraxan oo ka dhacay xili Xoghayaha uu kasoo baxay gurigiisa oo kuyaala Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Qaraxa Miino ee lagu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir Maxamuud Xaaji Deel ayaa la sheegay in loogu soo xiray gaarigiisa gaar ahaan kursiga uu ku fadhiisto , waxa uuna qaraxa ahaa nuuca meelaha fog fog laga hago sida ay ku warameen Masuuliyiin katirsan Degmada Wadajir.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Qarax uu saameyay inta badan jirka Xoghayahii Wadajir, lamana soo sheegin cid kale oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa maanta ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir.

Ciidmada Maamulka Degmada Wadajir ayaa durba soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna goobta ka qaadeen oo xarunta Degmada Wadajir Geeyeen meydka Xoghayihii Degadaasi Maxamuud Xaaji Deel. 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada