Liverpool Oo Ku Soo Laabatay Hogaanka Premier League Ka Dib Guushii 9aad Oo Isku Xigta Oo Ay Gaareen.

Liverpool Oo Ku Soo Laabatay Hogaanka Premier League Ka Dib Guushii 9aad Oo Isku Xigta Oo Ay Gaareen.

daajis.com:-Labo gool oo rigoore ah oo uu dhaliyay Steven Gerrard ayaa ka caawisay Liverpool inay 2-1 kaga adkaadaan West Ham United oo marti loo ahaa iyadoo Reds ay ku soo laabatay hogaanka horyaalka ka dib guushii 9aad ee isku xigta oo ay ka gaareen Premier League.

Tababare Brendan Rodgers ayaa hal bedel ku sameeyay line-upkiisa iyadoo uu ka maqnaa Daniel Agger oo taam u noqon waayay kulankaan waxaana booskiisa buuxinayay Mamadou Sakho.
Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilowday si adag iyagoo aan heli fursado badan qeybtii hore ee ciyaarta marka laga reebo kubad halis aheyd oo Suarez birta ku dhuftay laakiin natiijada ciyaarta ayaa wax iska bedeshay shantii daqiiqo ee ugu danbeysay ee ciyaarta.
Daqiiqadii 41aad ee ciyaarta ayaa Liverpool loo dhigay rigoore markii kubad baas dheer ah uu Gerrard u soo dhigay Suarez kaasoo damcay inuu kubada ka leexsado Tomkins, laakiin daafaca West Ham ayaa kubada gacanta ku ceshtay taasoo keentay in garsoore Anthony Taylor uu tilmaamo gool ku laad.
Kabtan Steven Gerrard ayaana u soo istaagay rigoorada isagoo dhanka qaldan u diray goolhaye Adrian islamarkaana hogaanka u dhiibay kooxdiisa Reds.
Laakiin daqiiqadii 45aad ee qeybta hore West Ham ayay u suurogashay inay barbareeyaan ciyaarta inkastoo goolkaas uu ahaa mid muran weyn uu ku jiro. Kooner la soo tuuray ayaa waxaa gacmaha ku dhigay goolhaye Mignolet laakiin Carroll gacantiisa madaxa kaga dhuftay Mignolet ka hor inta uusan gacanta kaga soo dhufan taasoo keentay in goolhayaha ay kubada ka dhacdo waxaana kubada ka soo dhacday shabaqa ku taabtay Demel.
Garsooraha ayaa la tashi la sameeyay calanwadaha laakiin ugu danbeyn waa uu ansixiyay goolka taasoo ka dhigtay in qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

West Ham ayaana u dhawaatay qeybtii labaad ee ciyaarta inay hogaanka qabato markii karoos uu soo dhigay Demel uu madax la helay Andy Carroll laakiin waxaa ka beenisay birta goolka.
Liverpool ayaase hogaanka ku soo laabatay daqiiqadii 70aad markii goolhaye Adrian uu qalad ku galay Flanagan inkastoo goolhayaha uu ku dooday inuu kubada taabtay laakiin garsooraha ayaa gool ku laad tilmaamay.
Waxaa rigoorada u soo istaagay mar kale Steven Gerrard kaasoo gool u sarifay islamarkaana ciyaarta ka dhigay inay 2-1 ku hogaaminayaan. Steven Gerrard ayaa dhaliyay 10 rigoore xilli ciyaareedkan, waxaana ka badan kaliya Andrew Johnson oo 11 rigoore dhaliyay xilli ciyaareedkii 2004-05.
Liverpool ayaa haatan Premier League ka dhalisay 97 rigoore, waxaana ay hogaanka rigoorooyinka waayaha Premier League isla hayaan Chelsea.
Suarez ayaana daqiiqadii 83aad u dhawaaday inuu ciyaarta dilo isagoo kubad uu si cajiib leh u qaaday ay ku dhacday birta mar kale. Waxaana kubad kale oo halis aheyd ka badbaadiyay goolhayaha oo ku soo baxay. Halka Sterling uu isna ku qasbay goolhayaha inuu badbaadin sarre sameeyo dhamaadkii ciyaarta.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Liverpool taasoo ka dhigan inay ku soo laabteen hogaanka horyaalka Premier League iyagoo leh 74 dhibcood, waxaana ay labo dhibcood ka hooseeyaan Chelsea oo labaad ku jirta halka ay afar dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad Man City oo labo kulan ay u harsan tahay islamarkaana ay Anfield ku balansan yihiin isbuuca soo socda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada