Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Guuldaradii Kooxdiisa Arsenal Ka Soo Gaartay Everton Maanta?

Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Guuldaradii Kooxdiisa Arsenal Ka Soo Gaartay Everton Maanta?

daajis.com:-Arsene Wenger ayaa qirtay inay adkaan doonto inay ku dhameystaan afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa ka dib markii Arsenal ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Everton maanta.

“Qaab ciyaareedkeena ma aheyn mid la aamini karo. Everton waa ay inaga fiicnaayeen, waxaana ay u qalmeen inay badiyaan. Waa inaan dib isku soo dhisno. Waan u hambalyeeynayaa Everton madaama ay soo bandhigeen qaab ciyaareed la aamini karo.” ayuu yiri Wenger.
“Dagaalka waa uu furan yahay, kaliyana anaga naguma xirna. Hadda ka hor ayaan wajahnay arintaan, waxaana ay ku xiran tahay sida aan uga jawaab bixino.
“Waxaan weli dareensanahay inaan heysanay kubada inteeda badan laakiin halis kuma aanan aheyn iyaga. Everton si fiican ayay u difaacdeen, waxaana waqti xaadirkaan inaga maqan kalsooni iyo inaan weerarkeena xoojino. Dhiiranaanta ciyaarteena ayaa maqan.
“Boqolkiiba boqol waa ay iga go’an tahay inaan ku dhameysano afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa laakiin waa ay adkaan doontaa. Laakiin marka hore waa inaan diirada saarno qaab ciyaareedkeena ka hor inta aanan ku riyoonin boosaskii aan ku dhameysan laheyn.

“Su’aal ma gelinayo isbiiritka kooxda, waxaa ay haatan waayeen kalsooni.
“Waxaan dhihi lahaa guuldarooyinkii waa weynaa ee nagu soo gaaray intii aan marti aheyn ayaa kooxdeena ka qaaday soo jiidashada.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada